Gudomiye-xigeenka Hay’adda Maamul Wanaaga Oo Ka Hadlay Sharciyadooda Iyo Shaqadooda

0
3866

 

huseeiHargaysa( Geeska )-Gudoomiye ku xigeenka  hay’ada maamul wanaaga iyo la’ dagaalanka musuqa Md. Xuseen Cabdilaahi Jaamac, ayaa ka xog waramay sharciyadii hay’adaas oo in muddo ah hortaalay golaha wakiilada taas oo ka xanibtay inay doorkooda ka qaataan la dagaalanka musuq iyo  dhinacyadii ay xooga saareen intii ay shaqaynayeen.

Xuseen Cabdilaahi Jaamac ayaa si dadban u sheegay in  dalka uu musuq ka jiro balse aynu kala midnahay dalalka dunida, waxaanu ku tilmaamay musuqa mid curyaamiya dhaqaalaha iyo koritaanka dalalka dunida.

Xuseen Cabdilaahi Jaamac waxa uu sidan ku sheegay warasi gaar ah oo uu siiyay wargaysaka Geeska Afrik, Waxaanan ugu horayntii gudoomiyaha waydiinay bal halka ay marasyo sharciyadii Hay’adda maamul wanaaga iyo la’dagaalanka musuqa “ Sharcigii hay’addan wali lama dhamaystirin oo in muddo ah waxa uu horyaalay golaha wakiilada, waxaana la filayaa in uu noqdo sharciyada golahu eegi doono marka imika laga soo noqdo fasaxa bisha ramadaan. Runtii shaqooyinka intii aan jirnay aan qabanay aadbay u badan yahiin, hasayeeshee maadaama oo aanay sharciyadii hay’adu wali dhismin waxaan isku badinaa dhinaca maamul wanaaga, oo aan isku daynaa sidii nidaamka dawladnimo loo saxi lahaa intaan musuqa la’la dagaalamin.” isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Dhanka maamul wanaagana wax badan ayaan ka qabanay oo waxa jira kormeero badan oo aan ku samaynay wasaaradaha iyo hay’adaha madaxabanaan oo dhan, gaar ahaan dhanka saacadaha shaqada, oo subaxii  laba wasaaradood aan ku kalihi jirnay oo aanu dibna ugu noqon jirnay xiliga rawaxaada in wakhtigeedii shaqada laga baxay, si loo eego qofka wakhtiga loo cayimay shaqada inuu ku yimi,wakhtigii rawaxaadana uu ka baxay, wasiiro badan ayaan u tagnay oo aan kala sheekaysanay xaaladahooda waxqabad, wasaarad walba waxa ka horyimi iyo meelaha ay u baahantahay in laga taageero.”

Gudoomiye ku xigeenka Hay’ada maamulwanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Xuseen Cabdilaahi Jaamac oo aan su’aalnay heerka musuqmaasuq ee dalku maraayo iyo sida uu u arko baadhitaanda hantidhawrka, ayaa ku jawaabay sidan “ Inkasta oo aanu laba hay’adood nahay [Hantidhawr iyo hay’adda la dagaalanka musuqa iyo maamulwanaaga] oo kala gaar ah oo aan dhinacyo badana iska soo galno hadana hay’ada hantidhawrka sharciyadiisii waa ay u dhamystiran tahay imika, meelo badan oo ay galeen waxna ka xidhxidheena waa ay jiraan, kolay markay sharciyadayadu noo dhamaystiranto ayuun baan isla eegaynaa sidii aan u wada shaqayn lahayn iyo sidii aan isula jaan qaadi lahaynba. Arrinkanan musuq waxa weeyaan mid adduunka oo dhan saameeyay oo aan meel kaliyaata gaar ku ahayn, waxaana la yidhaahdaa waa fayraska dhaqaalaha iyo horukaca, waxay ila tahay wax qayrkeen kabo inay tahay oo aan inaga uun inoo gaar ahayn, meel kastana oo aduunka ahna waa uu ka dhacaa.”