Baarlamaanka Somaliya Oo Shalay Furmay Iyo Gudomiye Ku Meelgaadh Oo La Doortay

0
540

 

 

somaliaMuqdisho(Geeska/W.Wararka)-Waxa shalay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka furmay fadhigii u horeeyay ee Baarlamaanka cusub ee dalka Somaliya, waxaana halkaas lagu dhaariyay 225 xildhibaan, islamarkaana qaatay kaadhadhkii aqoonsiga.

 

Inkastoo ay jireen xidhibaanno aad uga biyo diidan in laga reebo liiska xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa waxaa laga dareemayay gudaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo kulankan oo lagu waday inuu gallinkii hore shalay furmo ayaa la sheegay inuu dib ugu dhacay bixinta kaadhadhka  aqoonsiga ee xildhibaannada.

Shalay waxa ku eeekaa xilligii dawladda ku-meel-gaadhka ah ee federaalka ah (TFG) ee Somaliya, sidii uu ahaa qorshihii hore ee Roadmap oo dhigayey in isla shalayba la doorto madaxweyne. Hasse ahaatee waxa dib u dhacay dhawr jeer waqtigii kama-danbaysta ahaa ee loo qabtay in lagu soo dhammaystiro xulista baarlamaanka cusub iyo inay doortaan afhayeen. Ilaa haddana waxa weli sii jiitamaya khilaafyo ka taagnaa dhinacyada saamiga haweenka ee baarlamaanka iyo dadka guddiga dib-ueegista xulashada baarlamaanka ay ka reebeen liisaskii la soo gudbiyey.

Axadiina,  magaalada Muqdisho waxa tegey wafdi ka kooban bulshada caalamka oo ay ka mid yihiin Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa, Ururka Midowga Yurub, Ururka Midowga Afrika, Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, iyo dalalka la-deriska ah Somalia, kuwaasi oo kulammo la yeeshay madaxda dawladda TFG, isla markaasina sheegay in xulitaankii xubnaha cusub ee baarlamaanku uu meel fiican maraayo, lana filayo in si dhakhso ah loo dhammaystiro hawlaha weli dhiman.

Waxa shalay ay baarlamaanku doorteen guddoomiye ku meelgaadh ah oo loo doortay Muuse Shiikh Xasan Cabdulle Xasan oo 72 jir ah, waxaanu cayimay inay doorashada Baarlamaanku dhici doonto 26-ka bishan, inta ka horaysana la qaban doono codsiyada guddoomiyaha Baarlamaanka.