Madaxweyne Silanyo Oo La Filayo Inuu Mar Kale Isbedel Ku Sameeyo Bahda Garsoorka

0
574

 

silanyoHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa u muuqda inuu mar labaad damacsanyahay inuu seeftiisa la dhex qaado bahda garsoorka, oo markii uu talada la wareegay uu ku sameeyay isbedel balaadhan, isagoo sheegay inuu fulinayo balan qaadkiisii ahaa inuu wax ka qaban doono garsoorka iyo cadaaladda dalka.

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu xilligaas isbedel balaadhan ku sameeyay  maxkamadda sare ee qaranka, xeer ilaalinta guud ee qaranka iyo weliba garsoorayaasha maxkamadaha rafcaanka ee dalka oo qaar badan oo ka mid ah shaqada laga eryay, halka kuwo kalena isbedel lagu sameeyay, waxaanu shir loo qabtay garsoorka iyo cadaaladda Madaxweynuhu xilliyadii uu talada qabtay ka dib ka sheegay inay dalka aafaysay cadaalad darro baahsan oo aanu filayn inay heerkaas gaadhsiisantahay. Hase yeeshe Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, inkastoo uu garsoorka ku sameeyay isbedel,  wuxuu weli dareemayaa inaanay weli fari ka qodnayn dedaalkiisii uu ku sugayay cadaaladda iyo garsoorka dalka si ay ugu yaraan u yaraato cabashada ay bulshadu ka tirsato garsoorka dalka. Waxaanu dhawaan magacaabay guddi wasiiro ah oo soo baadha heerka cadaaladeed ee garsoorka, waxaanay wasiiradaasi la kulmeen guddoomiyaha maxkamadda sare iyo guddiga cadaaladda. Si rasmi ah looma oga warbixinta ay guddigaas wasiirada ahi Madaxweynaha u gudbiyeen, waxase Madaxweynaha  habeenimadii ciiddii ee Axadii  ka soo baxay dareen uu mar labaad qarsan kari waayay oo la xidhiidha garsoorka dalka.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa u  hanjabay bahda garsoorka, oo uu u sheegay inay weli cabasho ka jirto waaxda garsoorka. “Cadaaladdu waa udub dhexaadka nolasha, waa aasaaska jiritaanka dawladnimo. Waxaanay abuurtaa kalsoonida iyo isku xidhnaanta maamulka dawladda iyo bulshadda. Haddaba si loo helo cadaalad darteed, ayaa dastuurka dalku qeexay madax-banaanida garsoorka. Waxaanu u maamuusay bahda garsoorka iyo cadaaladda. Anigoo arrintaasi ka shiidaal qaadanaya isla markaana fulinayana balan qaadkayagii xiligii doorashadda waxaan isku dayay inaan isbedel ku sameeyo garsoorka iyo cadaaladda. Waxaanu is bedelay ku samaynay dhammaan intii awoodu ii saamaxaysay sida maxkamadda sare, Xeer-ilaalinta guud iyo Gudida cadaalladda. Waxa isbedel lagu sameeyay Maxkamadaha racfaanka ee goboladda dalka.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaas raaciyay  “Waxaan abuuray Ha’yada xuquuqul insaanka anigoo og inaan cabashadu dhammaanaynin oo cida garta kiiska laga helaa uu cabanayo.”

Isagoo la hadlaya bahda gasoorka, wuxuu yidhi “Sidaasi darteed, anigoo doonaya madax-banaanida garsoorka waxaan leeyahay dedaalkiina iyo dedaalkayaguba waa hal bacaad lagu lisay. Haddii aanu garsoorku horumar samaynin oo aanay danyartuna cadaalad helin.”

Si kastaba ha ahaate, hadalka Madaxweynaha iyo guddiga wasiirada ah ee uu u magacaabay inay soo baadhaan heerka cadaaladeed ee dalka, ayay dad badani aaminsanyihiin inay hordhac u yihiin go’aan uu mar kale ku doonayo inuu wax kaga bedelo garsoorka dalka, “Waxaan dareensan nahay in galdaloolooyin xoog lihi ka jiraan Garsoorka dalka oo aanay cabashadii bulshaduna wali is dhimin.” Sidaas ayuu Madaxweynuhu yidhi.