Weftigii Madaxweyne Siilaanyo Oo Shalay Dalka Ku Soo Laabtay

0
468

Hargeysa(Geeska):-Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib safar uu ugu maqnaa dalka Jabuuti oo uu wada hadal kula soo yeeshay madaxweynaha dalka Somaliya Md:Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana uu ka hadley ujeedada socdaalkii ay ku tageen dalka Jabuuti iyo sida oo kale waxyaabaha ay ka soo wada hadleen madaxweynaha Somaliya.

Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kadib markii uu ka soo dagey garoonka diyaaradaha ee Cigaal International warbaahinta ugu waraayey qolka nasashada ayaa waxaa uu yidhi:"Aniga iyo waftiga ila socdaba farxad weyn ayaa ay ii tahay in aanu dalkii hooyo ku soo nabad noqono, waxaanu marti qaad aanu ka helnay madaxweynaha jabuuti, halkaas oo aanu ku kulmaynay dawlada Somaliya madaxweynaheeda Xasan Sheekh Maxamuud anaga oo ka wada hadleynay danaha labada dal, anaga oo ka wada hadleynay waxii inaga dhaxeeyey iyo waxii aynu isku khilaafsanayn inaga oo og in uu ahaa dal aynu walaalo nahay in uu ahaa oo aynu ku kala baxnay madaxbanaanideenan aynu la soo noqonay taas oo hadana ay dunidu inoo furtay wada hadal iyagu joogto ah, qadiyada Somaliland-na aanu kaga dhaadhicinayno waxa ay tahay mawqifkayagana u cadaynaynay, waxaanu mahadnaq aad iyo aad u balaadhan aanu u soo jeedinaynaa madaxweynaha jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo dawladiisa oo marwalba door weyn ka qaata wada hadalka iyo isku xidhka mandaqada".

 Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa waxaa uu isna faah faahin ka bixiyey waxyaabaha ay isla soo meel dhigeen madaxweynaha Somaliya, isaga oo tibaaxay in ay isla soo meel dhigeen sidii loogu dhiiran lahaa in si toos ah loogu dhiirado ka hadalka labada dhinacba arrimaha khuseeya masiirka qaranka Somaliland.

"Sida uu madaxweynahu idiin sheegay waxaanu u baxnay anaga oo wafti balaadhan ah oo madaxweynaha Somaliland uu hogaaminaayo dalka Jabuuti, waxaanu kula kulanay madaxweynaha Somaliya iyo waftigii la socday, waxaa ugu muhiimsan ee meesha aanu u tagneyna waxaa ay ahayd sidii loo dar dar galin lahaa wada hadaladii yara ha kaday,sidii loo soo afjari lahaa wakhti gaaban iyo sida ugu dhakhsaha badan hawlahaa inaga dhaxeeya inaga iyo Somaliya, arrimaha ugu waaweyn ee aanu ka wada hadalney waxaa ka mid ahaa sidii aanu uga wada hadli lahay looguna dhiiran lahaa masiirka shacbiga Somaliland iyo danteeda oo aad la wada socotaan gabi ahaanteedba in aynu madax banaanideenii la soo noqonay ictiraafkeediina aan raadinayno,in aynu gooni isu taageenii aan rabno taas oo ah mid inaga go'an ah, in sidii taa looga wada hadli lahaa looguna dhiiran lahaa dhakhsana looga wada hadli lahaa ayaa muhiimada ugu weyn ee meesha aan u tagneyna ay ahayd labada madaxweynana waxaa ay isla garteen in arrimahaa lagu dhirado oo aan laga joogsan loona calool adeygo, waayo masiirka umada reer Somaliland waa mid ay goosteen shacbiga reer Somaliland ,taasi ayaana ugu muhiim sanayd waxyaabaha aanu isla garanay"Ayuu yidhi Md:Maxamed Biixi Yoonis

Md:Maxamed Biixi Yoonis oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ka soo yeedhayey xisbiyada mucaaradka oo sheegayey in aan lagu darin wada hadalka la’la yeelanayo dawlada Somaliya.

“Sidaad ula socoto Arimaha wada hadalku waa arimo Khuseeya Dawladda Somaliland.Dawladda Somaliland baana Awood loo siiyay oo labada Goleba u Ogolaadeen inay Shacabka Matasho, mana ah arin Muxaafad iyo Mucaarad ah, arinkani waa arin Umadda Khuseeya, waa Arin loo xilsaaray inuu Madaxweynuhu Hogaamiyo, shacabkiisa, wasiiraddiisa iyo dawladda Somaliland, wax alle waxaanu ka wada hadlaynana waanu ka wada tashaan Asxaabta iyo shacbiga, labada Xisbina way la socdaan, labada Gole Baarlamaana way noo Ogolaadeen, waa xil anaga na saaran cid loo daba fadhiisanayaana ma jirto, dawladda iyo shacabkuna way nagu barbar taagan yihiin”Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.