Weriye Sheegay Inay Ilaalada Wasiir Warancade Garaaceen, Qalabkiina Ka Qaadeen

0
513

Hargeysa (Geeska)-Cabdirisaaq Maxamuud Caalin (Cabdoo) oo ah Wariye ka tirsan Wargeyska Saxafi iyo Tafaftiriihi Wargeyska Hubaal Xasan Xuseen Cabdilaahi (Xasan kayf Kayf|, ayaa sheegay inay askarta ilaalada u ah wasiirka daakhiigu ay jidh dil u gaysteen, iyadoo laga qaaday qalabkii ay siteen.

Cabdirisaaq Maxamed Caalin (Cabdo), ka waramaya sababta keentay in Ciidamada ilaalada  ah Wasiirka Arrimaha Gudduhu ay tahay inuu arkay iyaga oo jidh dilaya Tafaftaraha Wargeyska Hubaal;, isla markaana ay ka gardarnayeen,kadibna uu isku dayey inuu ka duubo Askarta iyaga oo dilaya Tafaftiraha Wargeyska Hubaal, taasina ay keentay inay isna raaciyaan, waxaanu yidhi isaga oo warbaahinta lahadlaya “Aniga oo ah Wariye ka tirsan Wargeyska Saxafi,ayaa hawl laga qabaanayey Wasaarada Arrimaha  Guddaha, ayaanu u soo shaqo tagnay, kadibna waxa aanu la kulanay tacadi iyo jidhdil aniga iyo Tafaftkaraha Wargeyska Hubaal Xasan Xuseen Cabdilaahi (Xasan Kayf-kayf), waxa na jidh dilay Ciidamada ilaalida u ah Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Warancadde, oo Garankii ayey igu jeex jeexjeen”.

isagoo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Qalinkii iyo Buugii iyo waliba Rikoodhkii aan ku hawlgaayey ayey iga qaadeen, waxaan ka duubay iyaga oo jidh dil ku wada Tafaftiraha wargeyska Hubaal, aniga oo arkaayey  inay ka garan daran yihiin , waa bil Ramadaan, waanu soomahan ahay,shaqo ayaanu u nimid, umaanu u iman inaanu ciyaarno iyo inaanu gafno, waxayna igu haystaan, qof sooman isagiiba rabshad inuu galo aan qaadi karayn, Saddex Askari ayeyna ahaayeen, dhirbaaxo ayey ila dhaceen,jidh dil ayey ii geysteen,nabarana waan qaba”.