Gudidda Cadaalada Somaliland Oo Isku Bedel Ku Sameeyay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Ee Hargeysa, Saaxil, Awdal Iyo Gabiley

0
586

 

cadaaHargaysa( Geeska )-Guddida Cadaalladda Somaliland ayaa isku shaan-dheyn balaadhan ku sameeyay Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Goboladda galbeedka oo ay isku bed-bedaleen.

 

Gobolada Isku Badelkani saameeyeen waxa ka mid ah gobolada Maroodi-jeex, Awdal, Saaxil Iyo Gabiley, halka guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka ee gobolada qaar  laga dhigay Garsoorayaal Maxkamadeed.

Sidaasna waxa lagu sheegay war  ka soo baxday gudidaas, waxaanu warkaas oo dhamays tirani ay u dhignaa sidan

“ Cabadiraxmaan Jaamac Hayaan Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Saaxil. Gudddoomiyihii rafcaanka Saaxil Cali Suudi waxa laga dhigay garsoore maxkamadda rafcaanka Hargeysa.

Guddoomiyihii maxkamadda degmadda Hargeysa Cabadirashiid Beer-geel waxa la geeyay gudoomiyaha maxkamadda degmadda Gabilay, waxa jagadiisii loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid.

Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Gabilay Faysal Cabadilaahi waxa la keenay Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex. Guddoomiyihii maxkamadda Gobolka maroodi jeex Cabadirashiid Duraan waxa laga dhigay guddoomiyaha maxkamada rafcaanka Gobolka maroodijeex.

Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Saaxil Ibraahim Aadan Yaasiin waxa la geeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal.Guddoomihii maxkamadda gobolka Awdal Cabadiraxmaan waxa la geeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil.”

Qaar ka mid ah guddoomiyayaasha iyo garsoorayaasha la isku bedelay oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino dareenkooda ayaanay noo suurtogelin inaanu helno, iyadoo qaarkoodna ka cudur daarteen.