Guddoomiye Baashe Oo Sheegay In Golaha Wakiiladu Guddi U Saari Doono Khaladaadkii Doorashadii Deegaanka

0
586

 

Hargaysa( Geeska )- Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Md.Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay inay qorshaynayaan inay guddi u saaraan baadhitaan ku samaysa khaladaadkii ka dhacay doorashadii golaha deegaanka ee dalka ka qabsoontay.

Guddoomiye Baashe waxa uu ku dooday in dalku baahi weyn uu u qabo sidii baadhitaan loogu samayn lahaa khaladaadkii ka dhacay doorashada si meesha looga saaro in khaladaadkaasu ay dib u soo laabtaan, waxaanu ugu danbayntii sheegay  inay u yeedhi doonaan masuulyiinta komishanka doorashooyinka.

baasheWaxa uu sidan ku sheegay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladu mar uu shalay  war-baahinta kula hadlaayay xafiiskiisa, waxaanu ugu horayntii hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Doorashadii dhacday waynu ka wada war haynaa dhibaatooyinka ay inoo keentay, inkasta oo ay ahayd doorasho aad u adag, markay  waxa dhacaan waxa loo baahan yahy in waxa la qiimeeyo oo doorashooyin badan ayaa la soo galay tii ugu dhibaatada badnaydna waxay ahayd doorashii ugu danbysay ee deegaanka, markaas gole ahaan iyo masuuliyiin ayaan xilbaa naga saaran waxii dhacay in dib loo qiimeeyo oo aanay inagu soo noqnoqon, markaas haddii alle yidhaahdo waxaanu qayb ka qaadan doonaa in dib loo qiimeeyo waxii dhacay waxna laga soo saaro.”

 

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “Waa suurto gal in guddi loo saaro, laakiin wali go’aan ka maanu gaadhin in gudi wada jira loo saaro, waa mid aanu niyada ku hayno in qiimayntaas la galo oo waxna laga barto waxii ina soo maray si aany doorashooyinka danbe inoogu soo noqnoqon  in la baadhaana waa waajib, xukuumad ahaan iyo gole ahaanba iyo shacab ahaanba inaynu ogaano waxii dhacay oo aynu ka digtoonaano doorashooyinka inagu soo socda in aanay inagu soo noqnoqon waxii inugu dhcay oo kale, wali go’aan kamaani gaadhin, laakiin dhaqso ayuu shir gudoonku go’aan uga gaadhayaa.”

Gudoomiye Baashe oo la waydiiyay in ay u yeedhayaan komishanka doorashooyinka ayaa ku jawaabay  “ Way noogu jirtaa in loo yeedho masuuliyiintii laakiin farsamadii in gole ahaan loogu yeedho iyo in shir guddoon ahaan loogu yeedho wali islamaanu gaadhin laakiin dhakhso ayaanu go’aan uga gaadhaynaa.”

Hadalka Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada ayaa adkaynaya hadal Guddoomiyaha golahaasi hore ugu sheegay in doorashada deegaanka khalad badani ku jiray isla markaana ay masuuliyadeeda leeyihiin xukuumadda iyo komiishanka doorashooyinku.