Guddiga Doorashada Oo Bilad Guddoonsiiyay Shirkadii Waraaqaha Codaynta Daabacday

0
520

 

shahadoHargaysa ( Geeska )- Komishanka doorashooyinka ayaa shahaado sharaf  ku maamuusay shirkada SMITH & OUZMAN LTD ah shirkadii Somaliland u soo daabacday qalabkii afartii doorasho ee u danbeeyay lagu galay.

 

Shirkadan oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa ah mid daabacda qalabka doorashooyinka lagu galo, waxaana xafladan ka soo qabgalay oo gudoomay shahaadadaas gudoomiyaha shirkadaas Chris Smith.

Xaflad loo qabtay shahaadadan lagu maamusayay shirkada waxa ka soo xaadiray xubnaha kumishanka doorashooyinka,xubno kamid ahaa komishankii hore ee Somaliland,xubno ka socday xisbiyada qaranka iyo shaqsiyaad kale oo  muhiim    ahaa.

Ugu hortayntii gudoomiyaha komishanka doorashooyinka Md.Ciise Yuusuf Xamari oo xafladaas furay ayaa sheegay inay shahaado ku muusayaan shirkadan, waxaanu hadalkiisa kamid ahaa  “ Waxaan soo dhawaynaa dhamaan martisharafta xafladan ka soo gabgashay, xafladan aynu shahaadada ku gudoonsiinayno kambanigii waraaqaha inoo soo daabacayay afar doorasho, doorashooyinkii inoo qabsoomay oo lix ahaana 4 kamid ah iyaga ayaa inoo soo daabacay, waanan u mahadnaqaynaa kanbanigan SMITH & OUZMAN LTD.”

Shukri Xaaji Ismaaciil ( Shukri Baandare ) oo kamid ahayd xubnahii komishankii doorashooyinka ee ugu horeeyay oo halkaas ka hadashay ayaa ka sheekaysay xidhiidhak Somaliland iyo shirkadan laga leeyahay dalka Ingiriiska, waxaanay u soo jeedisay mahadnaq “ Waxaan ka mid ahaa komishankii koowaad ee dalka soo maray, waxaanu qabanay sadex doorasho hadaanu nahay komishankii koowaad dhamaantoodna doorashooyinkaa waxa naloo soo daabacay qalab, alaabtii ugu horaysay waxa lagu soo daabacay Dubai, labadii danbena waxa lagu soo daabacay dalka Ingiriiska waxaan soo daabacay shirkadan maanta inala joogta ee SMITH & OUZMAN LTD, markaas afar doorasho ayay qalabkeedii inoo soo daabaceen.” “ Labadaas jeerba anigaa Ingiriiska tagay  oo komishanku ay iidireen labadaas jeerba waanu wada shaqaynay shirkadan, waxaan mar walba xusaa siday shirkadaasu mashquulka u  ahayd ee ay dalal badan ugu daabacayeen waxyaabahaas doorashooyinka lagu galaayay, wakhtigaas waxaynu la kulmay iyada oo dawladaha Iran,Pakistan  ay u socdaan daabacaadu Kiniyana ay iyaduna meesha ku jirto, markaas wax xusid mudan in dawlad kastaba calankeeda la taago marka loo daabacaayo, markaas waxa ay shirkadani ka dhex taagtay calamada caalamka calinkeena oo wakhtigaas ku cusbaa dimuqraadiyada  oo aynu doonaynay aduunyaduna inay ina ogaato. Aniga oo ku hadlaaya afka komishankaas koowaad ee aan ka tirsanaa waxaan aad ugu mahadnaqayaa shirkadan inala joogta oo si layaab leh noola soo shaqaysay labadaas doorashaba.”

Ugu danbayntiina gudoomiyaha shirkadaas SMITH & OUZMAN LTD  Mr.Chris Smith, ayaa ka mahad celiyay shahaadadaas lagu maamuusay, waxaanu si kooban u sheegay in shirkadoodu ay dunida oo dhan u dabacdo agabka lagu galo doorashooyinka.