Gudida Gaadiidlayda Dalka Oo Golaha Wakiilada Ugu Baaqay In Aanay Ansixin Xeerka Golahooda Horyaala

0
549

Picture3Hargeysa(Geeska)-Gudida gaadiidlayda dalka ayaa golaha wakiilada u soo jeediysay inay eegaan culayska cashuuraha ee gaadiidka hore u saarnaa kana codsaday in aanay ansixin xeerka ku waajibinaaya cashuuraha cusub.

Waxa aanay xukuumada ugu baaqeen inay xeerkaa la noqoto iyada oo u tudhaysa dadkeeda danyarta ah,iyaga oo ugu danbayntiina ku hanjabay in haddii cashuurahaas  ansixiyaan ay dhigi doonaan gaadiidka dalka isaga kala goosha iyo ka magaalooyinkaba  ayna ku dhaqaaqi doonaan mudaharaadyo.

Waxaay sidan ku sheegeen gudida gaadiidlayda Somaliland shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen afaafka hore ee xarunta baarlamaanka oo markaas uun ay ka socotay dooda xeerkan horumarinta wadooyinka oo cashuuro dheeraada saaraya gaadiilayda iyo xoolaha nool.

Ugu horayntii waxa shirkaas jaraa’id ka hadlay Gudoomiyaha gaadiidlayda Xuseen Axmed Maxamed  waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaanu aad iyo aad uga xumaanay markii aanu maqalnay dawladu waxay ku soo rogtay cashuur gaadiidlayda saddexdii biloodba in la kordhiyo,anaga oo muwaadiin ah oo cashuurta mar kii horena bixinaynay imikana bixinayna waxa layaab ah oo is weydiin leh sanad walba haddii la yidhaahdo waxbaa la kordhinayaa,dadkiina ay dad danyar ah oo wax ay haystaan aanay jirin oo intii horeba ay ka cabanayaan,dawladahu dadkooda ayay u tudhaane ee dawladeenu mar walba ma dhibaatay dadkeeda ku haynaysaa,waxaanu leenahay haddaanu gaadiidka waaweyn nahay dadka danyarta ah ayaanu u shaqaynaa waxaanu leenahay cashuurtaas ma qaadi karayno oo ma qaadi karayno,cashuurtii hore ee aanu bixinaynay ayaa dhibaato nuugu filane hanalaga daayo cashuurtaas ayaanu leenahay waxii horena waanu bixinaynaa oo awalba waanu bixin jirnay,tana hadii wax waliba dhacaan ma baxinayno gaadiidkana kuligood waa la dhigayaa oo mudaharaad ayaa la dhigayaa,waxii dhib ah ee halkaaska yimaadana dawlada ayaa masuuliyadeeda qaadaysa.”

Deeq Muxumed Cabdi oo ka mid ahaa gudida gaadiidlayda ayaa isaguna si adag u hadlay waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Anaga oo bixinayna cashuurtii hore ee nalaga qaadayay waxaanu cadaynaynaa in aanaan qaadi karin cashuurtan cusub ee golaha hor taala,labada gole qaran iyo madaxtooyadaba waxaanu u sheegaynaa lacagtaas kordhinta ah ee la sheegay in aanaan bixin karayn oo naga oo tii hore la yaaban aanaan culays danbe qaadi karayn waxaanan golaha ugu baaqaynaa in aanu ansaxin xukuumadana waxaanu u diraynaa inay dib uga noqoto,waxaanu leenahay hadii taas la ansaxiyo gaadiidka dhamaan waanu wada dhigaynaa  caqligalna aanay ahayn kordhintaas la sheegay.golahana waxaanu leenahay dadkii idin soo doortay eega culayska saaran iyo culayska ku kordhaaya.”

Ugu danbayntii Cabdisalaan Cabdilaahi Cali oo isaguna xubanaha gudidaas ka mid ah ayaa yidhi “Golaha iyo madaxweynahaba waxaanu u sheegaynaa dadka shacabka ah waa kuwii idin soo doortay oo haddii aad iska ilawdaan oo nin waliba mushaharkiisa eego mid loo baahan yahay maaha.waxaanu nahay muwaadiniin waanan ogalnahay cashuurta oo ma diidanin,dawlada Siilaanyo markay qabsatay 50 kun Sl ah ayaa bixin jirnay gaadiidka waaweyn maantana sadex laab ayay maraysaa,waxa loo baahan yahayna maaha madaxweynuu danyartaan wax baan u qabanayaa ayuu yidhi ee maaha inuu dhib nagu soo kordhiyo,madaxweynaha iyo golahaba waxaanu u sheegaynaa in aanan awoodin cashuurtan subax kasta la kordhinaayo.hadii la kordhiyo cashuurtan gaadiika dhamaantii waanu dhigaynaa.”