Xildhibaan Qabile Oo Ka Hadlay Mooshinka Madaxweynaha Khuseeya Ee Ay Gudbiyeen

2
509

Picture2Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile, ayaa difaacay mooshinka la abaabulaayo ee golaha wakiiladu uu ugu yeedhayo madaxweyne Axmed Siilaanyo si uu wax uga waydiiyo xil gudashadiisa.

Waxa uu xildhibaanku uu sheegay in awoodaha golaha ay tahay in uu la xisaabtamo xukuumada oo uu ku jiro madaxweynahu,waxaanu sheegay haddii uu aqbali waayo yeedhmada golaha madaxweyne Axmed Siilaanyo inay u gudbi doonaan mooshin xilka lagaga xayuubinaayo madaxweynaha oo uu sheegay in 27 xildhibaan oo kaliyaata ay tahay inay shir gudoonka ka codsadaan.

Waxa uu sidan ku sheegay  xildhibaan Qabiile isaga oo ka hadlaayay shir jaraa’id oo uu xisbiga UCID ku qabtay xafiiskiisa,waxaanu hadaladiisa ku bilaabay sidan “Marka hore waxaan muujinayaa awooda golaha wakiilada oo aad moodo inay ayaamahan dadkii qaarkii muran galinayaan xakamaynta xukuumada iyo doorka ay golaha wakiiladu ku leeyihiin, qodobka 39-aad ee dastuurka qaranka Somaliland waxa uu cadanaynaa awooda golaha wakiilada, golaha wakiiladuna mar waxa weeye golihii sharci dajinta koowaad ee dalka, marna waa dadkii wakiilka ka ahaa bulshada ku dhaqan Somaliland ee uu hogaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, sidaas darteed mooshin ay dhawaan soo jeediyeen mudanayaal ka tirsan golaha wakiiladu oo ay cuskanayaan qodobada 39-aad 53 faqradihiisa 1,2,6,7,4  waxa aanu rajaynayaa in goluhu uu si cad ugu guulaysto in madaxweynaha la hor keeno golaha si wax looga waydiiyo gudashada xilkiisa madaxweynenimo.”

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka hadlaya talaabada ay qaadi doonaan haddii uu madaxweyne Siilaanyo hor iman waayo golaha wakiilada ayaa waxa uu yidhi “Haddii golaha wakiiladu u yeedhi kari waayo madaxweynaha oo uu taa yeeli waayo in gudashada xilkiisa in wax laga waydiiyo waxaanu uga gudbi doonaa 27 xildhibaan oo dhiga mooshin xilka lagaga qaadayo madaxweyne Siilaanyo sida uu dhigayo distoorka qaranku.golaha wakiilada in dhawayd xan iyo dhado ayuu huwanaa laakiin waxaanu isku dhaarsanay inaanu ka dhiidhino dhag xumada iyoi tacadiga lagu samaynayo iyo  karaamada la quudhsaday ee shacabka Somaliland ee lahayd qiimaha iyo karaamada uu distoorka Somaliland siiyey haddii uu nin sida uu doonayo ugu talabsanayo  lama dhigeen 97%, sidaas darteed mooshinka ay xildhibaanada golaha wakiiladu keeneen waa xaq distoori ah.”

Sidoo kale xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu sharaxay qodobada dastuuriga ah ee golaha wakiilada awooda u siinaya inuu xakameeyo xukuumada isla markaana la hor keeno heshiisyada ay xukuumada gasho waxaanu yidhi “qodobka 53-aad ee golaha wakiilada Somaliland waa mid  golaha wakiilada u khaas yeelaya inuu xakameeyo xukuumada, arimaha maaliyada iyo arimaha heshiisyada shisheeye ee ay xukuumadu gasho iyo wax kasta oo maaliyad la xidhiidha, waxaynu ognahay in madaxweynaha Somaliland inaanu golaha hor keenin boqol heshiis oo uu galay, ceebaha waynu ognahay ka soo baxay Genel Energy iyo heshiisyada caalamiga ah ee uu galay sida uu sheegayo qodobkaasina waa shaqada golaha wakiilada waana waxyaabaha la doonayo in lagu hor keeno golaha oo uu dhigo heshiisyadaa si loo eego waxay heshiisyadani manaafacaad u leeyihiin qaranka Somaliland.”

Comments are closed.