“Haddii Aanu Ninkani [Madaxweynaha] Dalkii Wadi Karayn, Laba Wado Ayaa Inoo Furan, In Maamus Ka Xayuubin Lagu Sameeyo Oo M/Xigeenka Loo Dhiibo Iyo In Doorasho…..”

0
3963

Picture4Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen,  ayaa si adag uga hadlay xaaladda wakhtigan Somaliland ku sugan tahay, waxayna eedaymo tiro beel ah u jeediyeen xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo

Guddoomiyaha iyo Musharaxa oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa mid mid u tilmaamay ceebaha xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo iyo fadeexadaha is biirsaday ee dul hoganaya.

Guddoomiyaha UCID, ayaa sheegay in xaaladda Somaliland ay wakhtigan adag tahay, taasi oo uu ku sababeeyay inaanu Madaxwayne Siilaanyo wax talo ah ku lahayn maamulka isla-markaana uu dad ay qaraabo yihiin ku wareejiyey xilkii loo idmaday.

Guddoomiye Faysal oo arimahaa ka hadlayaa ayaa yidhi “Dalkan go’doon ayaa lagu riday oo bulshadii caalamku way inaga goosatay, Waad ogtihiin Ingiriiskii markhaatiga inoo ahaa ee doorashooyinka inala sameynayey, ee marka aynu is qabsano inoo soo gurmanayey ee lixdii qodob (inagu heshiisiiyey) waaka maanta Muufada Xamar ku cunaya ee inaga goostay, 36 waddan ayaynu xidhiidh la lahayn way inaga wada goosteen oo ahaa meelaha aynu u dirano wakiilada, maanta wakiil qudha oo Somaliland dibada uga shaqeeyaa ma jiro”

Faysal, wuxuu sheegay oo kale “Dawlad Gobolleed ayaa inoo gashay sidii sibiqda ahayd ee Bidaartu ii gashay oo kale, markaa ictiraafkeenii, Macaamiladeenii wanaagsanayd ee la inagu jeclaa, waayo Somaliland waxa wax lagu siinayey wanaaga ayaynu samaynay sida doorashooyinka, midnimada qaranka iyo isku tanaasulka, dadkana waxa soo jeedin jiray camalkeena, camalkeenii xukuumaddana way masaxday” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Madaxwaynuhu xilkiisii wuu wareejiyey, Madaxwayne ku xigeenka waa inuu awoodda wax ka siiyo, waayo inagu Maraykanka la mid ma nihin, waana awood qaybsi, waayo beelo ayaynu nahay, Madaxwaynuhu wuxuu awoodiisa ku wareejiyey dad aan la dooran oo qaraabo ah, xilkaasina wuxuu saaran yahay baarlamaanka”

Guddoomiyaha UCID, wuxuu sheegay in Madaxtooyadu noqotay wasaarad Maaliyadeed “Waxa Madaxtooyada isugu ururay in doonaysa in shanta sano ee Siilaanyo waddanka lagu boobo, waayo maxaa Madaxtooyada hoos keenay haamaha, wadooyinka, 2% bariga, dadbaa lacag ku urursanaya, waad ogtihiin daaraha la iibsaday” ayuu yidhi waxaanu intaasi raaciyey isaga oo ka hadlaya Caddaalada “Caddaalad darada halkan ka taagan weli ma arag intaasaan jiraye adduunkana meel kale kamay dhicin, ma waxaad aragteen guddoomiyihii Qandaraaska, kii qandaraaska bixinayey iyo kaa qaadanayey oo isku reer ah, ma waxaad aragteen Wasiirkii Duulista, kii qandaraaska qaadanayey iyo Madaxwaynihii oo isku reer ah”

Guddoomiyaha UCID, waxa kale oo uu soo qaaday “ILAAHAY baan idinku dhaarshee, dawladda hungureysay baabuurtii dadku ka kiraysan lahaa shirkaddii shidaalka ee intay 70 Lancruiser soo iibsatay, haddana cashuurtii kala dhuumatay ee taariko cas siisay, haddana midkiiba ku kireysay $ 4500 doolar, maxaa inoo hadhsan, halkii laga doonayey in Madaxwaynuhu kurka ka jaro nimanka waxaa sameeyay, ayuu Burco iyo Berbera tagay isagoo leh Mudaharaad ii dhiga Burcooy, annaguna waxaanu leenahay mudaharaadka ka daaya dalkeenu ma qaban karee, hadduu xaafaddoodii ku yidhi ii Mudaharaada haddii Madasha wadatashigu yidhaahdaan mudaharaada Hargeys miyuu joogi, markaa waxaanu u sheegaynaa beeshiisa iyo cid kasta oo taageersanba ninkani (Siilaanyo) dalka gacanta kuma hayo oo wuu wareejiyey, annagu isaga ayaanu dooranay ee cid kale maanaan dooran, haddii aanu ninkani dalkii wadi karayn, laba wado ayaa inoo furan in maamus ka xayuubin lagu sameeyo oo Madaxwayne ku xigeenka loo dhiibo iyo in doorasho deg-degga ah la qabto, laakiin ku eegi mayno dal aanu arkayno inuu degayo”ayuu yidhi.

Musharaxa Madaxwayne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa si gaar ah uga hadlaya cashuur kordhinta uu xambaarsan yahay xeerka horumarinta wadooyinka ee wasiirka Madaxtooyadu u gudbiyey golaha wakiilada “Waxa la yidhi waxa la kordhiyey $ 1 doolar oo adhiga ah, Geela $ 5, lo’dana $ 4 doolar calaa neef, cashuurta lagu kordhiyey baabuur kasta oo weyn markii aan xisaabiyey waa lacag dhan $ 480 doolar oo dusha laga saaray sanadka kasta, baabuur kasta oo yar waxa dusha laga saarayaa $ 62 doolar sanadkii, halka aynu maanta waddo marista aynu ka bixino $ 22, bal hadda eeg adduunka laguma arag meel cashuurta 300% la kordhiyo. Caalamka marka cashuuraha la kordhinayo waxa la kordhiyaa waxay qaadan karayaa, laakiin $ 22 doolar ee wado marista ee hore maxaa lagu qabtay, waydinka arkay wadooyinkeena, annaguna garan mayno lacagtaasi halkay tagtay, dadkuna markay arkaan lacagtoodii waxa loogu qabtay ayay cashuurta bixiyaan, tan maanta golaha wakiiladu ka doodayaana waa arin xasaasi ah, arin la qaadan karo maaha, shacabka Somaliland waxaan leeyahay arinkaasi waa in laga gilgisho, golaha wakiiladana waxaanu leenahay haddii aad waxaasi caqbashaan wax taariikhda idiin gala ayay noqonaysaa, haddii arinkaasi socdana wax walba waa la inagu samaynayaan”

Jamaal wuxuu sheegay in xukuumaddu bilowday cashuur kordhinta ka hor ansixinta xeerkii wadooyinka “Waxa la sameeyay in koontiinarkii 20ft ahaa $ 100 doolar oo dheeraad ah lagu daro, koontiinarka 40ft ahna $ 150 doolar oo dheeraad ah ayaa lagu daray, iyada oo aanu golihii wakiiladu xeerkii ansixin ayaa lagu darayba, bal eega sida xukuumadda sharciga u jabinayso. Wasaarad Maaliyadeed oo gaar ah ayaa ka samaysan Madaxtooyada, ummaddana waxa lagu samaynayaa indho adeyg iyo dafiraad” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaan aad ula yaabaa in xukuumaddu ay xildhibaanadii reer reer u casuumayso, xoolihii umadda ayaa lagu casumayaa, salaadiintii iyo dadkii kale ayaa la casuumayaa, waddankii wuxuu ka dhamaan la’yahay casuumad iy shahaado sharaf runta haddaad doonaysaan, Sababta waddooyinka loo hoos geeyay Madaxtooyada annigu maan garan, waayo waynu ku khasaarnay oo lacag midowga Yurub inoo siin jiray wadooyinka oo dhamayd $ 11 Milyan oo doolar wuu inaga jaray markii wadooyinka la hoos geeyay Madaxtooyada, haddaba umadda reer Somaliland xukuumaddu ma wax u dhintay, mise wax bay u tartay”