Guddoomiyihii Guddigii Hore Ee Doorashada Oo Geeska Afrika Uga Waramay Ujeedada Socdaal Uu Ku Joogo Magaalada Muqdisho

0
662

 

kabajkaMuqdisho(Geeska)-Guddoomiyihii guddigii hore ee doorashada Maxamed Ismaaciil Kabaweyne, ayaa ka degay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somaliya. Waxase uu ku dooday inaanu arrimo siyaasadeed halkaas u tagin balse uu u joogo guri uu sheegay in 15 sannadood ka hor laga dhacay.

 

Mr. Kabaweyne, oo uu Geeska Afrika xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay si aanu wax uga weydiino ujeedada safarkiisa Muqdisho, maadaama oo uu qaranka Somaliland hore uga soo qabtay xil culus, wuxuu cadeeyay in ka hor intii aanu Muqdisho tagin uu ujeedada socdaalkiisa la socodsiiyay waaxda socdaalka ee Somaliland. “ Guri layga dhacay oo dib loo soo celiyay ayaa laygu yeedhay oo aan u tagay, gurigaas oo aan nin isku haysanay oo aan maxkamada Nayroobi isla galnay deedna aan qayb anigu u helay, oo intaan soo qaatay faylalkeedii aan u tagay Muqdisho, ragii haystay haddana ay igu dili gaadheen oo aan  dib ugu cararay Nayroobi. Markaas dhawaan waa tii lalahaa guryiiba lala celinayaa markaas gurigaygii ayaan soo doontay.” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Ismaaciil Kabaweyne.

Mar la weydiiyay inuu arrimo siyaasadeed u tagay, wuxuu yidhi “Ma jiraan waxaasu ee waxaan u tagay arrintaas guriga uun markay arintaydu ii dhamaatana waan iska soo noqonayaa,  waana guri weyn oo lacag badan ku jooga, shaqadaydabana maaha siyaasada Somaliya waanad arki doontaa.”

Ugu dambayn, wuxuu sheegay inuu socdaalkiisa la socodsiiyay hay’adaha ammaanka si aanu dareen uga dhalanin, waxaanu yidhi “Waxaanan kuu sheegayaa waliba inaan waaxda socdaalka  iska diiwangaliyay oo aan u sheegay inaan hawshaas u tagaayo.”

Inkastoo uu Maxamed Ismaaciil cadeeyay mawqifka uu halkaas u joogo, haddana waxa jira siyaasiyiin iyo dad kale oo reer Somaliland ah oo halkaas u tagay dano siyaasadeed.