Busi Iyo Ubax-Fahmo Oo Ka Hadlay Hees Laga Qaaday Furitaankii Radio Hargeysa Oo Muran Keentay

1
774

heesoHargeysa(Geeska)-Fanaaniinta caanka ah ee Maxamed Maxamuud Cige (Busi) iyo Ubax Daahir (Ubax Fahmo) ayaa ka hadlay hees muran dhalisay oo laga qaaday furitaankii Idaacadda Radio Hargeysa.

Abwaan Maxamed Mawliid (Maxamed-Dhako) oo ah abwaanka heestaas sameeyay ayaa ku eedeeyay afhayeenka Madaxtooyada iyo guddoomiyaha Wargeysyada Dawlada ee Dawan Axmed Saleban Dhuxul iyo Maxamed Cismaan Mire (Sayid)  inay sheegteen inay iyagu sameeyeen heestaas, waxaanu Abwaanku sheegay inuu Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Dhuxul afka ugu riday Mr. Busi oo markaas Mikirifoonka hayay inay isaga iyo Sayid oo ah guddoomiyaha Dawan Media Group ay leeyihiin midhaha heestaas, sidaasna uu Mr. Busi xafladda kaga sheegay inay heesta oo ay markaas qaadaysay fanaanada Ubax-fahmo ay leeyihiin labadaas nin.

Doodda Abwaannka

Abwaanka heesta sameeyay Maxamed Mawliid, oo nagu soo booqday xarunta Geeska Afrikaayaa sheegay inay Afhayeenka Madaxtooyada iyo guddoomiyaha Wargeysyada dawlada ee Dawan Axmed Saleban Dhuxul iyo Maxamed Cismaan Mire (Sayid), ku heshiiyeen inay heestaas ka been abuuraan,“Waxaan leeyahay haddii uu Dhuxul yidhi dhegaha madaxweynaha iigu rida inay samaynta heestaas iska kaashadeen Dhuxul iyo Sayid, waxa ka muuqata inay xaqiiqda baalmareen, Dhuxulna waxaan leeyahay ma qarin kartid midhaha faneed ii shaqsi leeyahay, midho aanad lahayna lama sheegto meelna laguma gaadho.” Ayuu yidhi Abwaanku.

Busi iyo Ubax-fahmo

Maxamed Maxamuud Cige (Busi) oo ahaa fanaanka Ubax-fahmo ku soo dhaweeyay madashii ay heestaas ka qaaday ee furitaankii Radio Hargeysa, ayaa mar uu Geeska Afrikaxalay wax ka weydiiyay arrintan, wuxuu yidhi  “Maalintaas xaflada markaan dhigaynay heesta ugu horayntii bilawgii ayay inantu qaaday ( Ubax Fahmo ), dhammaadkii markay xafladu dhamaanaysay waxa ii yeedhay ninka la yidhaahdo Dhuxul, waxaanu igu yidhi heestii   ay Ubax qaadaysay hana loogu celiyo, heestaasna intaas ii tixgaliyoo waxa sameeyay aniga [Dhuxul] iyo Sayid, sidii-baanan u sheegay oo waxaan idhi heestaas oo ay sameeyeen Sayid iyo Dhuxul ayna qaadayso Ubax fahmo.”

Isagoo Busi, hadalkiisa sii wata, wuxuu yidhi  “Markii aan sidaas u soo baxayba Sayid waxa uu igu yidhi waar maan lahayn midha heestaas, markaas iimuu sheegin cidda leh xataa, markaas habeenimadii buu ila soo hadlay nin aanan magaciisa markaas garanayn waxaanu igu yidhi waxaan ahayn ninka iska leh heesta aad nimankaas ku sheegtay, waxaanan ku idhi adigana kumaan garanayn, heestana cid samaysay maan garanayn ee ninka Dhuxul la yhidhaahdo ayaa igu yidhi aniga iyo Sayid ayaa samaynay.”

Waxa kale oo uu Geeska Afrika, la xidhiidhay fanaanadii heestan qaaday Ubax-Fahmo, oo aanu weydiinay heestan iyo dhacdadii lagaga been abuurtay samaynteeda, waxaanay tidhi  “Midhaheeda inan baa lahaa Maxamed Mawliid la yidhaado,inamadanina  waa ay kaftamayeen, aniguna waxaan ku idhi maxaad sidaaas u tidhaadeen ileen nin kale ayaa sameeyaye oo erayada iska lahaaye, markaas sidaas ayay ahayd oo wiilkaas abwaanka ah ayaa sameeyay.”

Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, oo aanu dhawr goor isku daynay inaanu wax ka weydiino eedaymahan loo jeediyay, ayaanay noo suurtogelin.

Comments are closed.