Guddoomiyihii Baarlamaanka Djibouti Oo Geeriyooday Iyo Guddomiye Cirro Oo Aaska Ka Qayb Galaya

0
1099

Picture3Hargeysa(Geeska):-Wefti heer qaran ah oo uu hogaaminaayey guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro), ayaa shalay galabnimadkii u ambabaxay dalka Jabuuti, si ay uga qayb galaan aaska maanta magaalada Jabuuti loogu samaynaayo Alleh ha u naxariistee guddoomiyahii baarlamaanka dalka Jabuuti Marxuum Idiris Arnaoud  Cali oo khimiistii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waftigan guddoomiye Ciro hogaaminaayey ayaa waxaa xubno ka ahaa guddoomiye ku xigeenka aqalka golaha wakiilada Md Baashe Maxamed Faarax, wasiirka arrimaha debada Md Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka dib-udejinta Md Axmed Cali Casood, wasiirka warshadaha Md Abiib Diiriye Nuur(Abiib tima-cad), wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta Md Siciid Sulub Maxamed iyo Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir. Waxaana la filayaa in ay maanta aaska marxuumka kaga qayb galayaan magaalada Jabuuti oo marxuumka lagu aasayo. Iyada marxuumka  xalay saddexdii habeenimo laga soo qaaday magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.