Xildhibaan Siciid Gaane Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Musuq-Maasuq Baahsan

0
794

Picture4Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid  Warsame Ismaaciil (Gaane) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Kheyraadka Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa Xukuumadda ku eedayey musuq badan.

Xildhibaan Siciid  Warsame Ismaaciil (Gaane) oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale ka hadlay Ciidamadii loo sameeynayey Shirkadaha Shidaalka, waxaanu tilmaamay in Ciidamadaasi ay yihiin qaar aan sharci ahayn, isla markaana ay jiraan Saddex Ciidan oo Sharciya oo Dastuurku ogol yahay, kuwaas oo kala ah Asluubta, Booliska iyo Milatariga, isaga oo xusay in wali Saddexdan Ciidan Qaran Xeerarkoodii aan la dhamaynin.  “Marka horeba Shirkadaha iyo Ciidamada la tababarayaa qayrul sharci ayey ahaayeen, wax sharciya oo heshiisku ku saleeysan yahayna ma jiro, haddii run la sheegayana waxa ay ahayd in heshiisyada la hor keeno Barlamaanka, sida uu heshiiska Shirkadani aanu sharci u ahayn, ayey Ciidamadana aanu sharci u ahayn, wixii ku saabsan Shidaalka iyo Macdanta ee Dastuurkeena iyo ta caalamiga ahba, waa waxba kama jiraan, waana suuq madaw”.

Xildhibaan Siciid oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Wasiiradii  meelahaas ka hadli jiray ee odhan jiray Ciidamo ayaanu sameeynaa, waxba kama jiraan, Ciidamadaasna waxba kama jiraan  oo Dastuurkeena ayey ku cad yihiin, oo waxa jira Saddex Ciidan oo kala ah Asluubta, Booliska iyo Milatariga, oo Qodobka 124-aad ee Dastuurkeena ayaa sheegaya qaab dhismeedka Ciiidamada uu xeer sheegi doono, oo Xeerkii Booliska waantan la soo cel-celinayo ee la laad-laadinayo,  Xeerkii Asluubtu wali ma jiro, Xeerkii  Milatarigu wali ma jiro, oo ina Waran-cadde Ciidankiisan uu yidhaahdo waa ilaalada Xeebaha ayaa xittaa xaaran ah”.

Xildhibaan  Siciid ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashada yidhi “Ilaa imika ma odhan karno Doorasho ma dhacayso, Komishanka ayaa shaqo ku leh, oo gacanta ayey ku hayaan, oo waa kuwii Todobaadkii hore u yeedhay Xisbiyada, oo dadaal ayey Komishanku ku jiraan, wixii caqabado ahaana wey soo dhigeen, caqabadahaasna waa laga saaray,  Doorashadu inay dhacdo Sannadkan gudihiisana waa lagama maarmaan”.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil ayaa mar uu ka hadlaayey Xukuumaddani iyo siyaasadaheeda ku waajahan Arrimaha Guddaha iyo Dibada ayaa yidhi “Xukuumaddii hore waxa ay ahayd  wax Somaliland laga baqo, Siyaasadeeda Arrimaha Dibada, oo waxa aan garanayaa in Shirkii midawga Afrika  ku kala burburi gaadheen in qadiyada Somaliland lagu daro, ajandaha, waxa aan garanayaa in 12-Dawladood  oo Somaliland taageersanaa, 35-xildhibaan ayaa Ingiriiska joogay, kuwaas oo u ololayn jiray qadiyada Somaliland, Maantana hal Xildhibaan oo qudha ayaa jooga,  oo Xukuumaddani markii ay xilka la wareegtay ayey ku bilawday waxa aan aqoonsiga Somaliland ka raadinaya Carabta, inaga oo og halka ay Carabtu ka taagan tahay Somaliland, oo Odaygu waddadii uu Maalintii hore ku yaboohay ayuu wali cagta hayaa, haddii aanu ALLE ka soo gaadhin”. Xildhibaan Siciid ayaa mar uu ka hadlaayey Siyaasada Arrimaha Guddaha iyo doorka ay ku leedahay Xukuumaddani ayaa yidhi “Marka aynu Siyaasada Arrimaha Guddaha ka hadlayno, waa markii ugu horeeysay ee Somaliland gudaheeda ay Jabhadi ka dhex ka bilaamanto,oo waataas la leeyahay Qol-ujeed ayaa la soo wareeray, Cali Khaliif ayaa khatumo ku dhawaaqay, oo meel badqabta oo ay Xukuumaddani ka tagtay ma jirto, waxa ay yidhaahdaan Waddooyin ayaanu dhisnay, Saddex Sanno ayey dadka wax ku ururinayeen, oo Rinji ayey dadka Waddooyinka ugu daadiyeen”. Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil oo aanu weydiinay bal inuu caddeeyo Wasiiro uu hore u sheegay inay Fooqaq ka dhisteen hantidii qaranka, oo uu tilmaamay inuu soo bandhigi doono Magacyadooda ayaa yidhi “Nidaamkii Sharciga ahaa ayaanu u maraynaa Wasiiraddan, oo hawshoodii wali waanu ku jirna, dhawaana waanu soo bandhigi doonaa”.  Xildhibaan Siciid ayaa cambeeyay siyaasi kalash oo ku xidhan Hargeysa, waxaanu yidhi “Cismaan Karash oo ka tirsan Guddi Fulinta ee Xisbga Waddani, dhaliilaha Dawladda ayaa lagu xidhay, waxa aan canbaarayn u soo jeedinaya  xadhiga Kalash ee Xukuumaddu ku xidhay fikirkiisa kadib markii uu soo kormeeray dhulkii uu ka soo jeeday, oo lagu xidhay maxaad ugu sheegtay  dadka waxa jira, waxaan ugu baaqaya Xukuumadda inay xoriyadiisa ay u soo celiso.