Wasiirka Hawlaha Guud Oo Ganacsatada Ugu Baaqay Inay Xod-xodashada Ka Daayaan Masuuliyiinta Dawlada

0
828

 

guri

Hargaysa(Geeska) Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta ee Somaliland Ismaaciil Muumuin Aar ayaa u soo soo jeediyay bulshada Somaliland gaar ahaan ganacsatada lacagta haysata inay ilaaliyaan hantida qaranka, isla markaana aanay lacag ku xodxodan masuuliyiinta dawlada.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka dhawajiyay inay tirakoob ku soo samaynayaan hantida qaranka ee guud ahaan wadanka, wixii ka danbeeya bisha ramdaan ee haatan dhamaadka ku sii jirta, isaga oo tibaaxay inay hayaan tirakoob hore, lakiinse ay damceen inay tirakoob danbe oo ay ku qancaan ay soo sameeyaan.

Ugu horayn wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Ismaaciil Muumin Aare oo xalay u waramay Geeska Afrika,  isaga oo ka hadlay siyaasada wasaarada waxa uu yidhi “Anaga wasaarad ahaan siyaasadayadu waxa weeyaan in iyada oo tira koobkii hore yaalo, in aan tiro koob cusub ubaxno oo hantida qaranka la soo diiwangaliyo, dabadedna tirakoobkan haynay iyo ka cusub laysla eego, waxanan is leenahay insha allaahu ramdaan markay dhamaato tirakoobkaas ku dhaqaaqa wax isbadalayaana waa ay jiraan rintii.”

Sidoo kale wasiirku isaga oo la hadlaya bushada Somaliland Gaar ahaan ganacsatada uu yidhi “Dadwaynaha Somaliland ee aan jecelnahay waxaan ku leenahay waxa ay tahay in la ilaaliyo hantida qaranka ayaa uu qof waliba xil kasaaranyahay, dadka Ganacsatadu ah oo aan dhiiri galinayno oo aan jecelnahay, dee dhulka inay horumariyaan oo ay dhistaan ayay xaq u leeyihiin, lakiin dhulka dawlada inay ilaaliyaan oo ay ka daayaan masuuliyiintaa ay dhagaha wax ugu sheegayaan ee faqrigu u jilciyay, waxanan leenahay xodxodashadaa halaga daayo masuuliyiinta, qofkastana masuuliyad ayaa ka saaran hantida qaranka, qarannimona-dee jirimayso hadaan sharciga la ilaalin. Dardaaran ahaan waxaan leeyahay waxii hantiqarana ee aynu ku faanayno in aynu wada ilaalino weeyaan.”

Wasiirka oo aan wax ka waydiinay guri ku yaala agagaarka baanka dhexe ee magaalda Berbera oo ah guriga Caymiska oo la sheegay in laga iibiyay nin ganacsade oo dhisme ka bilaabay, ayaa wuxuu ku jawaabay, “Anagu arinta gurigaa lama socono Bebera dhawaan b aanu tagnaye, lakiin hantida dawlada cidna ma wareejin karo cidna iskama iibin karo, dadkii galaana waa qayra sharci waana laga daba tagi oo arji uun baa laga qaadan.”