Guddoomiye-xigeenka 2aad Ee Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Booqashadii Erdogon Ee Somaliya

0
546

Picture2Hargeysa(Geeska):-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka golaha wakiilada Somaliland Md:Cali Yuusuf Axmed, Ayaa ka hadlay booqashada uu dalka Somaliya ku tagay madaxweynaha Turkigu, waxaana uu sheegay in booqashadaasi ay tahay mid gaar u ah dawlada Turkiga isaga oo tibaaxay in ay dawlada waliba ay xaq u leedahay in ay cida ay doonayso ay caawiso, waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in aanay haba-yaraatee booqashadan Rajab Dayib Ordugan aanay illaa hada aanay jirin wax dhibaato ah oo ay yeelayso wada hadalkii u dhaxeeyey Somaliland iyo Somaliya.

Md:Cali Yuusuf Axmed oo warbaahinta shalay ugu waramaayey magaalada Hargeysa, ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland aanay marnaba dib ula middoobi doonin dalka Somaliya. “Hortu dawlada Waliba xor ayay u tahay cida ay wax siinayso Somaliyana hanoqotee,waanu u hanaynaynaa, laakiin wax iska badalay wada hadalkii u socday Somaliland iyo Somaliya Ma jiraan inagu halkii aynu ku goosanay ayaynu wali taaganahay,qadiyadeenuna maaha in aynu Somaliya ku biirno laakiin waxa weeyaan in aynu goosano, dalalka kala go’a faa’ido ayaa ku jirta.Somaliland ayaa markii hore doonaysay in ay la midoobaan shantii Soamliyeed laakiin taas markii la waayay Somaliland xorimadii ay xamar gaysay way kala soo noqotay Aqoonsina way doonaysaa.Imika haddii ay Somaliya ina aqoonsato waxa aynu waayaynaa ma jirto, imika qaramada midoobay labadeenuba cod ayaynu ku yeelanaynaa oo laba dawladood oo Soomaali ah ayaa aynu nahay, markaas wax inoo biira mooyaane waxba inaga xumaan mayaan, imika tusaale ahaan dawladaha Carabta oo kalaa marka Sucuudiga laga reebo inta kale hadii la isku geeyo Somaliland ayaa ka badan, hadana mid kasta dhinaceeda ayay dawlada u tahay Markaas Waxaan leeyahay Somaliya waxaa aynu nahay laba dawladood oo jaar ah”Ayuu yidhi Md:Cali Yuusuf Axmed.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka golaha wakiilada Somaliland oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:  “Turkigu waa dawlada wayn, waana dawlad islaam ah, inaga wax yar ayuu inoo qabtay dawlada Somaliyana mashruucyo badan ayaa uu ka hir galiyay,markaas marka uu leeyahay Somaliya cilaaqeed dheer ayaa naga dhaxeeya, Somaliya kama dhaxeeyaan ee guryihiisii, waxa ay ku yaaliin Berbera markaas Somaliland ayaa uu ka dhaxeeyaa,Lakiin Xamar meel asaartii Turkigu kaga yaaliin ma jirto.Turkigu haddii uu doono yaanu dhex-dhexaadba ka noqon,Inaga Somaliland ahaan waanu goosanay, inta qof inaga nool yahayna dawlada jirta ayaynu noqonaynaa,cid kasta hayna Dhexdhexaadiso lakiin cid Somaliya inagu daraysa haba yaratee Majirto”.

Ugu danbayntiina Md:Cali Yuusuf, waxaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu ku amaanay wada hadalka lagula jiro dawlada Somaliya, waxaana sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu markii u horeysay suurt galiyey in loo wada hadlo Somaliland iyo Somaliya iyaga oo ah laba dawladood oo siman.

 “Madaxwaynaha Somalilnd aqoon dheer oo siyaado ah ayuu u leeyahay dhinaca siyaasada,barigii hore lama odhan Jirin Somaliland iyo Somaliya, ayaa wada hadlaya maanta laakiin Somaliland iyo Somaliya ayaa loo wada hadlaa. Markaas arrinta wada-hadalku meeshii ugu fiicnayd ayay maraysaa waxaas oo dhan waxa Jeexay Madaxwaynaha Somaliland”Ayuu yidhi Md:Cali Yuusuf Axmed.