Garabkii SONYO Ee Cabdicasiis Doortay Oo Sheegay Inay Isaga U Aqoonsanyihiin Guddoomiye

0
654

Picture1Hargeysa(Geeska):-Garabkii aqlabiyada dalada dhalinyaraa Sonyo ee taageersanaa guddoomiye Cabdicasiis Xirsi Warsame, ayaa sheegay in guddoomiye-nimada dalada Sonyo ay u aqoonsan yihiin oo qudha guddoomiye Cabdicasiis Xirsi Warsame, waxaana ay ku eedeeyeen wasiirka wasaarada ciyaaraha Somaliland Md:Cali Siciid Raygal in uu ku dhaqaaqay talaabo khaldan taasi oo sii horseedi karta in ay si balaadhato kala qaybsanaanta dhalinyarada dalada Sonyo.

Garabkan aqlabiyada haysta ee dalada dhalinyarada ee Sonyo ayaa hadalkan ku sheegay mar shalay warbaahinta kula hadlaayeen magaalada Hargeysa, waxaana ay halkaasi ku soo bandhigeen warqad wasiirka qorsheynta qaranku uu doonayey in uu dib ugu eego khilaafka Sonyo oo wasiirka dhalinyarada iyo ciyaarahu uu ka dul talaabsaday, waxaana ay baaq adag u direen madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Ugu horeyn mid ka mid ah dhalinyarta ka socotay gobalka Sool halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ayaan darro u arkaan in guddoomiye loo caleemo saaro Siyaad, waxaana uu tibaaxay in ay guddoomiye u qoonsan yihiin oo qudha Md:Cabdicasiis Xirsi Warsame.

"Aniga oo ku hadlaaya afka ururada dhalinyarada ee Sonyo ee ka socda gobalka Sool, waxaanu iska dhex dooranaya saddex xubnood oo aanu rabnay in ay nooga mid noqdaan golaha dalada Sonyo, waxaana lagu ansixiyey shirweynahii Sonyo. Marka waxaan la yaabanahay oo aan imikana aan la yaabanahay oo la leeyahay guddoomiye ku xigeenka Sonyo, waxaa uu ka soo jeeda gobalka Sool, waxaan kale oo aan la yaabanahay in inta guddoomiyahii aanu doonay laga talaabsaday la yidhaahdo guddoomiyaha Sonyo waxaa uu ka soo jeeda gobalka Awdal"Ayuu yidhi mid ka mid ah dhalinyartii halkaasi ka hadashay.

Marwo:Khadra Kaliil oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxaa ay tidhi."Mubaarak Taani guul darada Siyaad halka ka raacday isaga ayaa ugu wacnaa, haddaba waxaa sidaas cadaynaysa sida uu cadeeyey wasiirka qorsheyntu in arrintaasi oo uu warqad ka soo saaray uu ku sheegay in uu doonayo in uu isagu uu xaliyo, oo Mubaarik Taani uu ka dhaga adaygay arrintaas isaga oo kaashanaya dad kale oo doonya in ay dalada dhibaateeyaan".Buraale Jibriil Gaaxnuug oo isaguna sida oo kale halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa uu wasiirka ciyaaraha ku eedeeyey in uu Laba u kala qaybinaayo dhalinyarta Somaliland, waxaana uu baaq adag u diray madaxweyne Siilaanyo. "Fariinbaa u dirayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), waxaanan marka ugu horeysa ugu hambalyeynayaa waxqabadka balaadhan ee uu guud ahaanba dalka ka qabtay, waxaa haddaba taa daba taala madaxweyne Siilaanyo, waxqabadka hore ayaan u sheegayoo dee imtixaan ayaa daba socda, waxaa ku socda wasiirkaagii ama wasiirka dhalinyarada iyo ciyaarahu in uu dhalinyaradii aad caqligooda midaysay ee aad ahdaaftoodii aad midaysay ee aad hadafkoodii iyo hamigoodiiba aad kor u qaaday, maanta waxaa uu ka dhigay Laba, Laba ayaa uu ka kala dhigay, waa uu qaybiyey, maantana waa digaa arkaaya inyar oo aan aqlabiyada haysan oo awoodii aan haysan ayuu u xambaariyey oo uu leeyahay guddoomiye ayaan idiin ka dhigayaa oo uu xaflad ugu qabtay Hotel Ambassador"Ayuu yidhi Buraale Jibriil Gaaxnuug.

Ugu danbayntiina Guddoomiye Cabdicasiis Xirsi Warsame oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu dhankiisa sheegay"Su'aal ayaa isweydiin leh oo Siyaad Cumar Cali inanka leh waa lay doortay ee ka socda gobalka Awdal, inankaasi hal gar ayaa uu lahaa in uu soo cararo, gartaas oo waxaa ay ahayd maadama oo aanu cod haysanin, nin bisil oo hanayn karana aanu ahayn, isagu sidaas ayaa uu ku soo cararay, malaha gartaas ayaa uu isagu lahaa, Mubaarik Taani ayaa isweydiin leh oo labadii qof ee tartamaayey muxuu uga soo baxsaday, waxaanu ognahay in dalada Labadii Sano ee uu maamulaayey uu mad madaw fara badan uu hadheeyey hanaanka xisaabeed ee Akoonada Daladaasi, Akoono gaar ah ayaa uu isagu furtay oo uu saxeexo, oo qayru sharci ah, si aan marka loo xisaabin ayaa uu u soo baxsaday, laakiin marnaba isaga ka hadhi mayno, sharcigaana aanu horkeeni doona xafiiskana Hanti baadhid ayaanu ku samayn doona hal shilina inaga lumi maayo. Xaflada beenta ah ee ay samaysteen, waxaanu u gudbinay wasaarada ururada sharciyeysa ee ay faylashoodu yaalaan, waa wasaarada qorsheynta qaranka, wasiirka ayaanu u gudbinay, marka uu eegay warqadihii aanu sidanay iyo shambada ururada aqlabiyadu ay ku cadaynayeen, waxaana uu ku hubiyey faylkii Sonyo ee uu hayey, waxaana uu soo saaray warqad oo uu leeyahay arrinta Sonyo ee laysku hayo waxaan marinayaa, nidaamka iyo sharciga oo waxaa jira xeerka lagu maamulo ururada aan dawliga ahayn oo oo Barlamaanka Somaliland uu baas gareeyey, qodobkiisa 7-aad waxaa uu tilmaamaya haddii lays qabto qaabka loo kala baxaayo ayuu tilmaamayaa, isaga oo wasiirka wasaarada qorsheynta qaranku uu taa adeegsanaayo ayuu waraaqdan soo saaray, sida ayno ognahayn wasiirka ciyaaraha iyo saaxiibadiisa kale ee aan aqlabiyada haysan ee sharciga iyo nidaamka ka cararayaa, ayaa waxaa ay soo saareen, taas ka soo horjeeda oo aan sharciyad ku fadhiyin"Ayuu yidhi Md:Cabdicasiis Xirsi Warsame.