Guddoomiye Saaleebaan Muxuu Ka Yidhi Safarka Madaxweyne Siilaanyo Ee Gobalada Wadanka?

0
477

Picture6Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxa uu ka hadlay safarka Madaxwaeynaha ee uu ku marayo Gobolada qaar, waxaanu sheegay in Madaxweynaha ay waajib ku tahay inuu soo ogaado,kana war qabo xaalada guud ee dalka iyo dadkaba, isla markaana uu ku amaanayo Safarkiisa.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, oo u waramay qaar ka mid ah Warbaahinta dalka ayaa sidoo kale waxa uu ka  hadlay Safarka uu Madaxweynuhu ku tagay Magaalada Laascanood, “Madaxweynaha waxa loo doortaa inuu dalkiisa iyo dadkiisa ka waramo, haddii aanu  xaaladooda soo ogaan oo aanu ka waramin, oo aanu is hortaagin maxaa uu kaga waramayaa, qabanayaa, hawshii aynu u dooranay,. Ayuu qabanayaa, ILLAAHAY ha ku guuleeyo”.  Guddoomiyaha Guurtida ayaa mar uu ka hadlaayey Safarka uu Madaxweynuhu ku tagay Laascanood yidhi “Laascanod dalka soo ka mid maaha,  Laascanood Somaliland ayey ka mid tahay, Daahir Rayaale waan hubaa oo mar hore ayuu tagay, ee haddii kuwii hore ka waabanayeen oo ay ka gaabinayeen,  kani inuu tagaa waa qasab.  Madaxweyne dalkiisi maraya, oo dadkiisu u tagaya, oo leh xaaladiina ka warama, oo Indhihiisa iyo dhegihiisa u furaya, anigu odhan maayo wuu tamashleynayaa  ee hawl adag ayu u qabanayaa”.