Guddoomiye Saaleebaan Muxuu Ka Yidhi Safarka Madaxweyne Siilaanyo Ee Gobalada Wadanka?

0
623

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa maanta la kulmaya saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo Waddani. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Kulankan oo noqonaya kii labaad ee dhex mara guddiga doorashooyinka iyo xisbiyada, ayaa waxa ay wararka uu Geeska Afrika helay sheegayaan inay guddiga doorashadu xisbiyada u soo bandhigayaan laba shirkadood oo ku guulaystay hawlaha diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo keenista agabka diiwaangelinta cod bixiyayaasha. Labada shirkadood ayay ilahan xogogaalka ahi sheegeen inay midi  tahay shirkad Maraykan ah, halka ay shirkada labaadna tahay shirkad Danish ah (Denmark).  Guddiga doorashada ayaa sida ay wararku sheegayaan waxa suurtogal ah inay cayimaan wakhtiga ay diiwaangelinta cod bixiyayaashu bilaabmayso iyo wakhtiga ay dhamaanayso.

Waxaanay wararku sheegeen inay tartan iyo kala saaris ka dib ay guddiga doorashadu labada shirkadood u xuleen inay noqdaan shirkadaha ku guulaystay hawsha diiwangelinta cod bixiyayaasha. Hase yeeshe weli wararkan si rasmi ah looma xaqiijin karo.

Kulanka maanta ayaa waxa kale oo la filayaa in lagaga wada hadlo suurtogalnimada inay doorasho qabsoomi karto 26 June 2015.