Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda oo furay Kalfadhigii 18-aad ee aqalkaas

0
593

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa shalay si rasmi ah u furay Kalfadhigii 18-aad ee aqalkaasi.

Waxaana Mudaneyaasha loo qeybiyay Ajandaha kalfadhiga 18aad ee golaha wakiilada Somaliland oo u dhignaa sidan:-

1. Warbixinta shir gudoonka golaha wakiilada,guddida joogtada ah iyo guddi hoosaadyada golaha.

2. Mashaariicda sharci ee golaha hor yaal.

Sidoo kale xeerarka ku jira kalfadhiga 18aad ee golaha wakiilada somaliland ayaa kala ah

1. Xeerka fayo dhawrka hilibka.

2. Xeerka nabad gelyada wadooyinka

3. Xeerka aas aaska komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa.

4. Xeerka ka ganacsiga hawlaha baanka.

5. Xeerka baanka islaamka

6. Xisaab-xidhka dawlada ee sanadaha 2008,2009,2010

7. Xeerka statistics-ka

8. Wax ka badalka iyo kaabista xeer hoosaadka golaha.

Dhinaca kale inta lagu gudo jiro kalfadhiga 18aad ee golaha wakiilada somaliland ayaa waxa lagu eegi doonaa

1. U yeedhista masuuliyiinta qaranka.

2. Ansixinta masuuliyiinta qaranka

3. Iyo wixii kale ee soo kordha.”