Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Jawaabay Eedo Loo Soo Jeediyey Xukumada Somaliland

0
509

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) ahna afhayeenka rasmiga ah ee xukuumadda ayaa shalay gaashaanka ku dhuftay warar maalmihii la soo dhaafay ku soo baxayay saxaafadda oo xukuumadda ku eedeynayay inay faro-gelisay xukunkii masuuliyiintii ku eedeysnaa musuqii raashinka.

Wasiirka warfaafintu wuxuu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray, waxaanu ku beeniyay in Madaxweyne Siilaanyo cafis u fidiyay badhasaabkii hore ee Hargeysa iyo agaasimihii wasaaradda dib u dejinta, waxa kale oo uu u jawaabay xildhibaano dhawaan naqdiyay xukuumadda oo ka tirsan xisbiga KULMIYE. Warsaxaafadeedku wuxuu u qornaa sidan:

“Maalmahan danbe waxa saxaafadda Somaliland lagu saydhinayay warar aan sugnayn oo lagu eedaynayo Xukuumadda Somaliland in iyadu ka danbeysay go’aankii-maxkamadeed ee laga gaadhay mas’uuliyiintii ku eedaysnayd arrinta rashinkii mucaawanada ahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo weligii dhaqan uma ay ahayn, maantana uma aha, in uu faro-geliyo arrimaha ka socda maxkamadaha Somaliland, oo ah dhardhaar ka madaxbannaan fulinta iyo sharci-dejintaba. Sida oo kale xukuumaddan maanta ee Somaliland caado uma aha in ay faro-geliso ama ay daaha dabadiisa ka maamusho arrimaha hor yaal garsoorka Somaliland.

Maxkamadaha Somaliland waxay go’aammo dhaxal-gal ah oo loo wada riyaaqay oo aan dhinac ka rarnayn ka qaateen arrimo siyaasadeed oo aad u murugsanaa. Maxkamadaha Somaliland waxay go’aammo ka qaateen murannadii ka dhex aloosmay Xisbiyada UCID iyo UDUB. Shacbiga Somaliland aad ayay ugu bogeen go’aammadaa caddaaladda iyo garsoorka suubban ku qotomay.

Caqliga fayoobi wuxuu ina tusayaa in Madaxweynaha iyo Xukuumadda faro-gelin waayay arrimahaa siyaasadeed aanay ku dhiirranayn ama dani ugu jirin in ay ku lug yeelato dacwad caadiya oo ka socota maxkamadaha.

Dhanka kale marka aad iska taagto, ma jirto sabab xukuumadda ku kallifta in ay faro-geliso dhacdooyin la xidhiidha raashin muucaawina ah oo dad mas’uuliyiin xukuumadda ka tirsanaa lagu eedeeyay.

Waxa kale oo aanu halkan ku caddaynaynaa in aanay cidina Madaxweynaha ka codsanin saamaxaad, isla markaana aanu Madaxweynuhu cidna farin af iyo qoraal midna, in uu saamaxaad u fidiyay mas’uulintaa la xukumay.
Madaxweynaha iyo Xukuumadda Somaliland waxay mar walba ixtiraamayaan go’aammada ka soo baxa maxkamadaha garsoorka.

Xildhibaannada iyo xubnaha Golaha Dhexe ee Kulmiye ee saxaafadda cabashooyinkooda u adeegsanaya, waxa ka habboon in ay u maraan jidadka sharciyeed ee ay fursadaha u haystaan, aanay dadka kale haysan. “Guushaada waa lala jiraa, gees ha ka ahaanin.”