Maxkamada Hargeysa Oo Haatuf Ku Riday Xukun Ay Bulshada Xuquuqal Insaanku Cambaaraysay

0
704

Picture6Hargeysa (Geeska)-Maxkamada Gobolka ee Hargeysa ayaa Shalay ku xukuntay Guddoomiyihii Wargeyska Haatuf  Yuusuf Cabdi Gaboobe Saddex Sanno oo xadhig ah, iyadoo Tafafatirihii Wargeyska Haatuf  Axmed Cali Cige isagana Maxkamaddu ku xukuntay Afar Sanno oo xadhig ah, iyada oo sidoo kale lagu  xukumay ganaax lacageed oo dhan Konton Milyan oo SLSH. Liisankii ayay maxkamadu go’aamisay in lala noqdo. Xukunkan ayaa u muuqda inuu bulshada xuquuqal insaanka kala kulmay cambaarayn culus.

Xukunkan ayaa u muuqda kii u horeeyay ee sidan u adag ee lagu rido saxafaafadda Somaliland, waxaanay xeer ilaalinta oo dawladda difaacaysay ku tilmaamay go’aan cadaalad ah, halka ay ururada xuquuqal insaankuna ku timaameen xukun cadaalad darro ah.  Garyaqaanada difaacayay saxafiyiintan ayaa hore u qaadacay ka qayb galka dacwadda oo ay sheegeen in la marin habaabiyay.

Xaruntii Wargeyska Haatuf waxaa Ciidanka Booliisku la wareegeen 7dii April 2014 iyadoo markii danbena Xabsiga loo taxaabay Guddoomiyihii Wargeyska iyo Tafafatirihiiba.

Waxaana lagu eedeeyay Wargeyskani inuu qoray warar been abuur ah iyo warar khalkhal gelin kara Nabadgaliyada Somaliland . Hase-yeeshee Guddoomiyaha iyo Tafafatiraha Haatuf  waxay ku doodeen in waxa keliya ee lagu haystaa yihiin warar musuqmaasuq oo ay ka qoreen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo wiilka sodogga uu u yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo).

Ururka Xuquuqal insaanka ee Somaliland ayaa si kulul u cambaaraysay xukunkaas. Guddoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka Guuleed Axmed Jaamac, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray shalay, wuxuu u dhignaa sidan “Maxkamadda Gobolka Hargeysi waxay ku xukuntay laba suxufi oo ka tirsan wargeyska Haatuf xadhig u dhexeeya sadex ilaa afar sano iyo lacag dhan koton milyan oo Somaliland Shillings ah. Yusuf Cabdi Gaboobe, gudoomiyaha Haatuf, waxa lagu xukumay sadex sano halka Axmed Cali Cige, tafatiraha Haatuf, lagu xukumay afar sano. Maxkamaddu waxay sidoo kale kala noqotay ruqsaddii uu ku hawlgelayay wargeyska Haatuf.

 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xukunka maxkamadda oo xadgudub ku ah qodobka 32 ee dastuurka Somaliland.

 Dhegaysiga dacwadda ka dhanka ah suxufiyiintu wuxuu bilaabmay kadib markii 7dii April 2014 la xayiray wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times.

 Dhegaysiga dacwaddu wuxuu ahaa mid aan waafaqsanayn xeerarka dalka iyo halbeegyada caalamiga ah. Suxufiyiinta la soo eedeeyey lama siin fursad ay isku difaacaan taas oo ka soo horjeeda qodobka 28(2) ee dastuurka iyo qodobka 116 ee Xeerka Habka Ciqaabta. Maxkamaddu waxay dhegaysatay oo keliya xeer-ilaalintii dacwadda soo oogtay.

 Qareenada u doodayay suxufiyiinta oo aan ka soo qayb-gelin dacwadda, waxay u sheegeen Xarunta in xukunka maxkamaddu uu yahay mid aan xaq ahayn oo cadaalad darro ah. Xasan Cali Xasan oo qareen u ahaa suxufiyiintu wuxuu noo sheegay in garsoorihii dacwadda qaadayay caqabad ku noqday inay gutaan wajibkooda sidaasdarteedna inaanay fursad u helin inay difaacaan suxufiyiinta. Qareenadu waxay si buuxda uga qaybgaleen hal dhegaysi qudha. Dacwaduna waxay socotay iyada oo aanay joogin qareeno difaaca eedaysanayaasha.

 Maxkamaddu halkay ka dabaqi lahayd Xeerka Saxaafadda, waxay raacday Xeerka Ciqaabta oo ah xeer guud oo gaboobay. Taasina waxay ka soo horjeedda qodobka 130(5) ee dastuurka oo dhigaya in xeerarkii ka horeeyey dastuurka la dabiqi karo oo keliya hadii aanay ka hor-imanayn xuquuqda qofka iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee ku dhigan dastuurka. Qodobku wuxuu sidoo kale dhigayaa marka la sameeyo shuruuc cusub in xeerarkii hore aan la dabiqi karin. Xeerka Ciqaabtu wuxuu ka horeeyey dastuurka Somaliland iyo Xeerka Saxaafadda.

 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay muujinaysaa sida qotada dheer ee ay uga welwesan tahay ficilada adag ee ka dhanka ah saxaafadda madaxa banaan. Xaruntu waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay sida ugu dhaqsaha badan ay u buriso xukunka, u sii dayso suxufiyiinta ugana qaado wargeysyada xayiraadda saaran.”

 Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, Maxamed Rashiid Muxumed ayaa sheegay in xukunka maxkamada Hargeyisa ay suxufiyiintan ku riday uu baal marsanyahay xeerka saxaafadda Somaliland. Waxaanu ku tilmaamay xukun cadaalad darro ah.