Guddoomiye Cirro Oo Si Kooban Uga Hadlay Aragtidiisa Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyay Xubno Ka Tirsan Wakiilada

0
572

 

cabdiraxmaan-cirro-1Hargaysa( Geeska )- Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay afartii xildhibaan ee shirgudoonka golaha wakiiladu uu ka qaaday xilka.

 

Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo hadal kooban kaga  hadlay xilkaqaadista xildhibaandan oo wakhtigii xilka laga qaadayay uu ku maqnaa safar uu dabada wali ku joogo. Mudane Cirro oo ay shabakadda wararka ee Somalilandtoday weydiisay sida uu u arko xildhibaanada kuraasiga laga caydhiyay,  waxa uu yidhi “Xafiiskii iyo shir gudoonkiiba lamaan soo dhoofin ee way shaqaynayaan, waxaanay shir guddoonku markaan joogo  iyo markaan maqanahayba ay xaq u leeyahiin waxii talo ama go’aan ah ee ay gartaan inay gaadhaan, shaqadana ciddii markaa joogta ayaa sii wadaysa, waxii shuruuc ah ama xeer hoosaad ee ay shirgudoonku guud ahaan fuliyaana waa hawl ay guteen,  guud ahaan xildhibaanadu waxay naga mudan yahiin xurmo, annagoo ixtiraamayna duruufaha Xildhibaanada haddana sharciga iyo shuruucda goluhuna waa mid meesha taala, waxii go’aan ah ee la gaadhayana waxa hadba leh cdidii joogta.”