Cali-Gurey Oo Sheegay Inay Kaalintii Hoggaamintu Ka Maqantahay Xukuumadda

0
603

 

cali-7Hargaysa( Geeska )-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) oo ka mid ah madaxda xisbiga UCID ayaa sheegay inuu aaminsanyahay inay mandhaansho dhinaca hoggaaminta ahi ay dalka ka jirto, isagoo sheegay inay kala qaybsanaanta xukuumaddu banaanka u soo baxday.

 

Md. Cali-Gurey, oo uu Geeska Afrika shalay waraysi gaar ah la yeeshay, waxa kale oo uu ka hadlay xisbiga UCID ee uu ka tirsanyahay iyo xidhiidhka Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe, waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:

Cali Doorashadii waatan oo waa la cayimay, xisbigiinuna waxa uu kamd-yahay ururada tartamaaya,ma filaysaan inay doorashadani qabsoomayso, rajo intee leeg ayaadse ka qabtaan inaad dib u hanataan xisbinimadiinii?

Inta aanana su’aashaadaas ka jawaabin waxaan jeclahay inaan halkan tacsi uga diro qoyskii,eheladii,asxaabtii iyo dhamaan bahda suugan-yahanka iyo hal’abuurka Soomaaliyeed oo aan ka tacsiyaynaayo geeridii naxdinta lahayd ee ku timid marxuun Maxamed Xaashi Dhamac ( Gaariye ), aniga oo ku hadlaaya magacayga iyo magaca xisbiga bahweynta Ucidba, waxaan leeyahay alle naxariistii jano hakawaraabiyo marxuunka inagana dhamaan samir iyo iimaan haynaga siiyo.

Doorashadu inay dhacayso oo ay xiligeedii ku dhici karto waan rumaysanahay, xorniyadeeda iyo xalaalnimadeeduna waa wax kale, afartii doorasho ee dalka ka dhacayba waxa xilka haysay xukuumad xisbiga Udub ah, maantana xukuumad xisbiga Kulmiye ah, maynaan tijaabin sida ay yahiin doorasho ay xukuumad Kulmiye ka timid ay qabto, laakiin waxaan naqaanay Udub inay ahayd xukuumad iyad oo xilka haysa in la boobo mooyaane aan awooda dawlada waxba ku boobi jirin, tana waynu eegi. Ka xisbi ahaana anagu waxba faani mayno waanan arkaynaa lixda urur ee nala tartamaaya, waxaanay  wax badan ku xidhnaan doonaan kalsoonida cida ay siiyaan shacbiga Somaliland, waxaanan isleeyahay shabiga Somaliland Ucid meel xun dhigi maayaan.

Dhanka saadaalinta Cali Guray waad ku fiicantahay, horena waxa jira masuuliyiin badan oo aad hore u sii saadaalisay, gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen ma filaysaa inay isla jaanqaadi karaan, bal labadan masuul ee idiinku sareeya isla jaanqaadkood maxaad ku saadalin lahayd?

Xisbiga  UCID  waxa gudoomiye ka ah Faysal Cali Waraabe, aniguna gudoomiye waan ka saraysiiyaa oo waxaan u aqaanaaba hoggaamiye, Jamaal Cali Xuseena  ma xukumo UCID, qaabdhismeedka xisbigana kuma jiro, laakiin waxanu isku raacsanahay oo UCID’ii hore iyo taayada’danbeba in musharaxa madaxweynaha doorashada 2015 uu noqdo.

Runtii waanu isku wada cusub nahay, aqoon badana aniga laftigaygu Jamaal Cali Xuseen uma’lahi oo waa innan aad iiga da’yar, maanan soo wada kacaamin nolshana in badan kumaanu kulmin, laakiin hadana war iguma seegana inuu yahay nin aqoon yahana oo ilaa iyo sagaashanaadka bilawgiisii ahaa raga ugu firfircoon ee dalkan daneeya dib u dhiskiisa iyo horumarkiisa, waa nin tacliin leh oo mansab wanaagsan kaga jiray shaqadii uu hayay oo amaan fiican ku helay, sii-saadalin maayo tan ee waxaan rajaynayaa oo aan jaclahay inay wada socdaan oo sidaas aanu u garanay ee aan ku dabasocono inay u wadashaqayn doonaan sadexda sano ee hadhay.

Waxaanay mar walba ku xidhantahay shaqsiga isbadalkan noo suurto galiyay oo ah Faysal Cali Waraabe, Jamaal-na waxaan kula talinayaa inuu markasta Faysal Cali garabkiisa taagnaado oo markastaba uu ku xidhnaado, Faysalna waan ku aaminayaa wacadkuu galay iyo xisbiga Ucid, insha allaahu way wada socon doonaan, laakiin anigu imika qiyaasi maayo.

Waxa jira madhnaan dhanka awooda hoggaamineed ee dalka ah oo dad badan aaminsanyahiin, taas oo sababta in qaybo badan oo hay’adaha dalka ah in aanay wada shaqayn, qaarna ay iska horyimaadaanba, adiga madhnaantaas dhanka awooda maamulka ah siday kuula muuqataa?

Kaalintaas hoggaaminta sideedaba waad tabaysaa in aanay jirin, ee aad moodo in kooxo hirdamaaya uun oo aan ahayn kuwii la doortay ay meesha ka talinayaan, ha noqdeen kuwo kooxo hore ku wada jiray sida Islaaxdan baryahan  danbe la hadal hayay oo kale, hoggaamintii inay madhantahay ilaa bilawgiiba waa ay ii muuqataa oo aan la garanayan mid wax hogaaminaysaba.

Labadan wasiir ee kala hadlaayana inooma cusba in wasiirada xukuumadan ay kala hadlaan, kala kooxo yahiin kala qabyaalad yahiin, wax kasta oo lagu qaybsanyahay inay dhexdooda ka jiraan waa ay noo muuqataa, markaas hoggaamintu runtii waa ay lunsantahay waana khatarta ugu weyn ee jirta.

Waxa wali socda wada hadaladii ay xukuumadu kula jirtay reer Buuhoodle oo uu hoggaaminaayo Xaglatoosiye, ugu danbaynta maxaad filaysaan in wadahadalkaas uu ka soo baxi karo?

Hanaankaas nabada ee bariga tiirkeeda dhaxe waxa u ahaa xisbiga UCID, oo ka shaqeeyay in la helo hoggaamiyaha SSC iyo reer Somaliland intooda kale sidii xal nabad ah ay u wada gaadhi lahaayeen,laakiin nasiibdaro xukuumadan waxay ka madhantahay habkii iyo dhaqankii nabada ee soo jireenka ahaa, habkaas nabada ee Somaliland waxa uu ahaa mid had iyo gooraale laga soo bilaabo salka hoose, xukuumadahu waxay u sameeyaanuun saaxad ay ku suurto gali karto nabadu, lakiin kuwa iyagu qabta maaha.

Imika markii lays arkay ee maxaabiista la sii daayay is aragii ugu horeeyayba waxa  yaacay niman wasiiro ah oo aan waligood midna meel lagu heshiinayo iyo meel khilaaf lagu xalinaayo iyo waxaynu isla soo marnay iyo sidaynu dhibaatooyinkeena u xalin jirnay midnaba aan waayo aragnimo u lahayn, laakiin iyagu ah uun kuwo is aaminsan qolada haysata madaxtooyada, runtiina nimankaas yaacay midna khibrad uma lahayn habka nabada ee ay Somaliland caanka ku tahay, halka ay nabadaasu imika ka wiiqantahay ee ay ka socon la’dahayna waxa ka maqan habkaas oo waxa ku barbaranaaya dad aan hore waxba u soo arag, markaas runtii waan ka warar-qabaa inay nabad ka keenan wadahadalkaas iyo xataa wadahadalka aynu Somaliya kula jirno.