Wasiirka Duulista Iyo Hawada Oo Si Adag Uga Horyimid Go’aanka Ay Golaha Wakiiladu Ku Laaleen Diiwaangelinta

0
4173

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka duulista iyo hawada Md.134duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka horyimid go’aankii ay golaha wakiilada Somaliland ku laaleen diiwaangelintii lagu galay doorashadii u dambaysay ee madaxtooyada.

Go’aankaas golaha wakiilada, ayaa wuxuu wasiirku ku tilmaamay mid aan la aqbali Karin. Wasiirku wuxuu sidan ku sheegay waraysi uu shalay siiyay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan telefishanka HCTV, waxaanu yidhi “Lama odhan karo diiwaan galintii umadan loo sameeyay oo dhan baa khaldan, waxaan qiraynaa in dad fara badan oo mudadii qaan gaadhay ay jiraan ay xaq u leeyihiin inay codeeyaan, waxa kale oo jirta tiro intuu doono ha noqdee inuu inta yare ee tiradaas khalalaad ku jiro, taasina waatii ay khubaradu sheegeen, tirad inta badani waa sax waa tii aan ku xalalaynay ee ku galnay ee ku kala baxay doorashadii, markaa anagu waxaan doonaynay in doorashadaa maanta lagu galo waxii hore, doorashada baarlamaanka iyo ta madaxtooyada ee soo socotana in diiwan galintii dib loo saxo waxii qaldan,  waxii aan is diiwan galin ee xaq cod bixineed yeeshay ee qaangaashayna la diiwan galiyo, anaga sidaas ayay noo ahayd, komikishanka waanu ku wada hadlanay, xisbiyadu dareen kayaga way ogyahiin, dabadeena laba arimod ayaa soo baxay xisbiyada mucaaradka ahi waxay yidhaahdeen ku gali mayno diiwaanglintaas adduunkii iyo tacabkii umadani soo gashay ee aduun waynuu ku caawiyay meel ayay iska dhigeen.”

Wasiirka oo la weydiiyay wararka sheegaya in xukuumadoodu taageerayso ururo siyaasadeed oo aan ahayn xisbiga KULMIYE, wuxuu yidhi “ Xukumadani waxay tahay xukumadii xisbiga Kulmiye, xisbigan urur baan ka soo bilowanay tacab ayaa ku dhan hadday tahay hogaamiyaha maanta dalka hogaamiya oo hormuudkiisii ahaa iyo holdoorka ku jira kuwa xilalka haya iyo kuwa aan hayn, xukumadan waa  xkumaadii xisbiga Kulmiye suuragalna maaha, maanta xibigaas ayaan soo saarayanaa xisbigaas ayaan kuwada abtirsana xukumadani waa dhaxalkii xisbiga iyo hawshiisii, nin kamida xisbiga ama koox kamida iyagoo xukumada ku jira oo xilal qaran haya marna ma taageeri karaan mana dhisan karaan mana samaysan karaan urur kale, ninkii doonaya inuu xsibi kale furtana Banaankuu ugu baxayaa xukumadan taas waan kuu cadaynayaa.”

Mar la weydiiyay inuu jiro khilaaf ka dhexeeya isaga iyo wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, wuxuu yidhi “Aniga iyo Xirsi waxaan nahay laba wasiir oo xukumada ku wada jira, wasiirada kalana awood dheerada oo aan kaga duwanahay ma jirto,  nin waliba masuuliyad gaara ayuu hayaa oo xilkisa ku saabsan wax xifiltana iyo wax loolana oo noo dhaxeeyana ma jirto maantana kaanbayn siyaasadeedna majirto.”

Wasiirku, wuxuu sheegay inay dawladda Itoobiya kala hadlayaan dhibaatada soo noqnoqotay ee ay ciidamada Booliska kililka shannaad ku hayaan xuduudka Somaliland.

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka horyimid go’aankii ay golaha wakiilada Somaliland ku laaleen diiwaangelintii lagu galay doorashadii u dambaysay ee madaxtooyada.