Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Saami-Qaybsiga Wakiillada, Waxa La Yeeli Karo Haddii Xal U Heliddoodu Ay Doorashada Dib U Riixdo Iyo Ammaanka Sanaag

0
875

Hargeysa (Geeska)- Guddoomiyaha xisbiga Waddani  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in ujeedada xisbiga WADDANI uu ka lahaa khilaafkii xisbiyada ee komishanka doorashooyinka la xidhiidhay aanay ahayn in xisbiyadu khilafka ku kala guulaystaan iyo in la is garbiyo, balse ay ahayd in la wada guulaysto, iyo in la helo guddi doorasho oo hufan oo lagu wada kalsoon yahay.

Dhinaca kalana guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in ugu dambayn siddeeda bishan august golaha wakiillada loo gudbinayo mooshinka lagu dalbanayo kordhinta tirada xubnaha komishanka doorashooyinka ee ay xisbiyadu ku heshiiyeen in ay sagaal noqoto.

Isaga oo golaha wakiilladana ugu baaqay in ay arrintaas fududeeyaan, si aanay u rumoobin xanta muddooyinkii u dambeeyey suuqa ugu jirtay ee ah in aanay doonayn in ay kuraasida ka kacaan. “Maaddaama oo uu khilaafkii axsaabtu soo dhammaaday maanta arrintu gacantooday (Wakiillada) ayaa ay ku jirtaa, waana imtixaan la imtixaamayo; diidamadooda ama ogolaanshaha heshiiskaasi wuxuu ka marag kici doonaa in ay xantii rumowdo oo ay doorashada diidan yihiin iyo in ay aqbalaan oo ay doonayaan in ay kuraastana ka kacaan doorashaduna suurtowdo” ayaa uu yidhi guddoomiye Cirro.

Isaga oo sheegay in marka laga yimaaddo caqabadaas hore ee komishanka, ay jirto caqabad labaad oo weyn oo hortaalla qabsoomidda doroashada, taas oo ah saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiillada. “Waxaan u sheegayaa shacbiga reer Somaliland in aanu heshiiskii maalintii dhawayd, meesha ka saarayn in la xalliyo caqabadda muhiimka ah ee saamiqaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada waxaanay noqon doonta arrinta labaad ee loo diyaar garoobo in la qaado si doorashadii u qabsoonto”

Guddoomiye Cirro oo ka warramayey suurtagalnimada in xallinta khilaafka saami-qaybsiga xisbiyadu ay sababi karto dib u dhac ku yimaadda doorashada ayaa sheegay in heshiiskii ay dhowaan xisbiyadu gaadheen lagu xusay in loo baahan yahay in dadaal adag loo galo sidii loo xallin lahaa caqabadaha horyaalla doorashada, isla markaana ay doorashadu waqtigeeda ugu qabsoomi lahayd. Laakiin haddii ay dhacdo iyada oo dadaalkaas lala yimi oo jadwalkii lagu socdo in ay farsamo ahaan waqti dheeraad ah loo baahdo, ay xisbiyadu mar kale arrintaas isaga iman doonaan si ay uga wada hadlaan.

Gobalka Sanaag

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI waxa kale oo uu ka hadlay xaaladaha amni ee ka jira gobalka Sanaag, waxa aanu sheegay in shaqaaqooyin ka jira deegaankaas oo afar sano socday ay ku dhinteen dad rayid rayid ah oo 60 qof gaadhaya, welina ay dhibtaasi taagan tahay. “Arrintaasi waxay saamayn amni ku yeelatay dhammaan gobolka Sanaag waxaanay ina tusaysa tamarta xukuumadda ama Kulmiyihii hore ha noqdo ama Kulmiyaha hadda ha noqdo oo afarta sanno xal u waayay arrintaas, waxay muujinaysaa in ay ku fashilmeen in ay arrinta nabadeeyaan waxna ka qabtaan” ayaa uu yidhi guddoomiye Cirro

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in Somaliland hore xal ugu heshay dhibaatooyin amni darro oo tan ka waaweyn kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dagaal beeleedyo, dagaallo sokeeya iyo jabhado ay ka mid yihiin SSC iyo tii Suldaan Wabar dhammaanna arrimahaasi la dhammeeyay laakiin, Somaliland oo waayo aragnimadaas leh ay dhalliil weyn xukuumadaha Kulmiye ku leeyihiin wax ka qabasho la’aanta arrinta Ceelafweyn ee afar jirsatay.

Guddoomiye Cirro waxa uu ayaan darro ku tilmaamay weedho ku jiray khudbad madaxweynaha Somaliland dhawaan kaga hadlay colaadda Ceelafweyn gaar ahaan askari lagu dilay Ceelafweyn, taas oo uu ku sheegay in “Doqonniimada iyo dulqaadku walaalo yihiin” waxa aanu ku tilmaamay hadalkaasi in uu calaamad u yahay in odaynimadii, maamuuskii iyo xikmaddii laga filan lahaa madaxtooyo ay ka dhammaadeen madaxtooyada Somaliland. isaga oo is weydiiyey waxa xigi kara haddii uu dulqaadku dhammaado.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here