“Doorashada, Mar Haddii Maanta Lagu Heshiiyey Anaguna Gole Wakiil Ahaan Waxba Kama Qabno”

0
745

Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan)

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo ka mid ah Xidlhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ayaan daro ku tilmaamay in Ciidamada la laayo, waxaanu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay iska ilaaliyo wax kasta oo nabadgalyada khatar ku ah, Ciidamadana la shaqeeyaan.

Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay heshiiska Xisbiyada ee qabsoomida Doorashada, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waa ayaano daro weyn Ciidamadeena amaanka sugaya in la laayo, amaan iyo sharafna maaha in Ciidamadeena amaankeena sugaya inaynu leeyno, oo aynu xabad u quudhno, iyagoo nabadeena ku mashquulsan, Ciidamadu maaha cid gaar ah ee waa inaynu nabada kala shaqeeyno oo sugida amaanka kala shaqeeyna, laakiin maaha inaynu hagardaamo u geysano oo waxaynaan inaga geyin u quudhno”.

Mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Doorashada in badan buu hadal ka taagna, mar haddii maanta lagu heshiiyey, anaguna Gole Wakiil ahaan waxba kama qabno waana soo dhaweeynana, Doorashaduna inay dhacdo diyaar ayaanu u nahay”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here