Somaliland: Dadka U Dhintay Covid_19 Oo Gaadhay 21 Iyo Tirada Dad Cusub Oo Laga Helay

0
514

Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay Dad cusub oo u Geeriyooday Xanuunka Covid_19 iyo Dad cusub oo laga helay xanuunkaasi.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Saxaafadda la wadaagay War-bixinta Maalin laha ah ee Xanuunka Covid_19 ayaa sheegay in 24-kii Saacadood ee u dambeeyay xanuunka u Geeriyoodeen 2 Qof, taasi tirada Dadka Somaliland xanuunka ugu dhintay ka dhigaysa 21 Qof.

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in baadhitaan loo sameeyay 43 Qof, xanuunkana laga gelay 18 ka mid ah.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in 14 ka mid ah Dadkaasi deggan yihiin Magaalada Hargeysa, Magaalada Berbera waxa deggan 3 Qof, halka 1-na uu deggan yahay Magaalada Burco.

18-ka Qof ee Xanuunka laga helay ayaa tirada Guud ee Dadka Xanuunku ku dhacay ee Somaliland jooga ka dhigaysa 304 Ruux.

 

Geeska.net/Hargeisa Office