Guddoomiyaha UCID Oo Ku Baaqay In Dadka Reer Soomaaliya Ee Somaliland Ku Sugan Loo Sameeyo Sharci Ay Dalka Ku Joogaan

0
496

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa taageeray hadal ka soo yeedhay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland oo nuxur kiisu ahaa in dad aan asal ahaan ka soo jeedin Somaliland aanay codayn karin doorashada soo socota.

Guddoomiye Faysal oo ka hadlayey Hargeysa, ayaa sheegay in sida distuurka Somaliland sheegayo kaliya ay codayn karaan dadkii Somaliland ku noolaa intii ka horraysay1960-kii.

Guddoomiyaha UCID oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Wasiirka waa runtii, distuurka Somaliland waxa uu sheegayaa, waxa reer Somaliland ah beelihii ku noolaa Somaliland 1960 iyo wixi ka horeeyay” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya iyo Itoobiya ee Somaliland ku nooli aanay lahayn xuquuq ay ku codeeyan maalinta doorashada “Dadka inala jooga halkan ee reer Soomaaliya iyo reer Itoobiya xuquuq ma leh ay ku codeeyaan” ayuu yidhi.

Faysal ayaa wasaaradda arrimaha gudaha u soo jeediyay in dadka aan asal ahaan kasoo jeedin Somaliland u samayso sharciyo ay Somaliland ku joogan “Waxanu u soo jeedinaynaa arrimaha gudaha in ay tiro koobto dadka halkan jooga ee reer Soomaaliya oo ay sharci ku joogaan iyo ciqaamado loo sameeyo” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waa in ciqaamadaha sanadkiiba mar loo cusboonaysiiyaa, oo dhaqdhaqaaqooda lala socdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in qofkii aan Somaliland sharci ku joogin la mastaafurin doono.

Guddoomiyaha oo hadalkan ka jeediyay xaflad uu xisbiisu lahaa, ayaa taageeray wasiir ku xigeenka arrimaha guddaha Somaliland oo sheegay in ay sharciga marin doonaan qofkii aan reer Somaliland ahayn ee isku daya in uu codeeyo.

Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu sheegay inay Somaliland joojinayso Wada-hadalladii Soomaaliya “Maxaynu kala hadalnaa Soomaaliya, ma dowlad baa ka jirta, kama jirto dowladi, waa 5 Madaxweyne, waa 5 reer, horta dowlad ha dhisteen” ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaa ku daray “Dowlad ha dhistaan oo ha iska daayaan riyadan Soomaaliyeed, Soomaaliyeed, Caruurtii Kacaanka oo jaamacado ka soo baxay, oo xeryaha qoxootiga laga soo qaaday, ayaa maanta Muqdisho xukuma, la hadlimayno” ayuu yidhi.

Geeska.net/Hargeisa Office