Guddoomiyaha UCID Oo Xukuumadda U Soo Jeediyey Inay Faaf-reeb Ku Samayso Khudbadaha Jimcaha Ee Culimadu Jeediyaan

0
510

Faysal Cali Waraabe wuxuu Culimada Qaarkood ku eedeeyay inay Dalka Dacaayadeeyaan

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Xukuumadda u soo jeediyey in la Hubiyo isla-markaana Culimada laga Tifaftiro Khudbadaha ay Masaajiidda ka jeediyaan Maalmaha Jimcaha.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo Shalay khudbad ka jeediyey Munaasibad Qalin-jebin ah oo ka dhacday Magaalada Hargeysa, ayaa Culimada qaarkood ku canaantay in aanay ka hadal Danta Dadka iyo dalka, isla-markaana farriimo aan wanaagsanayn ka dhex mariyaan Khudbadaha ay Jimcaha ka jeediyaan Masaajiddada dalka, sidaasi darteed loo baahan yahay in Wasaaraddu hubiso Khudbadaha Jimcaha intaan Culimadu akhriyin.

Faysal oo arrimahaa  ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Khudbahaha Jimcaha ee Masaajid walba waa in la hubiyaa, waa in la hubiyaa waxay ku hadlayaan (Culimadu), Ninba wuxuu doono ayuu ku hadlayaa. Sheekhii intuu istaagay Jimcaha yidhi waxaan arkay Nin qaba Afar Nin, kaasi ma sheekh buu ahaa mise wuu inna ceebaynayey, kaas oo kale in laga ilaaliyo saw maaha oo khudbaddiisa la hubiyo.”

Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay oo kale  “Haddaynu Dawlad nahay, waa inaynu ogaanaa Masaajid kasta Jimcaha wixii ka baxaya oo Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ogaataa oo ay ka Tifaftirtaa, Wadaaddadeenii baa ina dacaayadaynaya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Nin Gaal ah ayaa ii soo qoray inuu aad ugu faraxsan yahay in Booliskeenu uu aad u qab-qabanayo Khamriga iyo Mukhaadaraadka kale, laakiin wuxuu yidhi Qaadkuba waa Mukhaadaraad’e maad iska qabataan, ninkaasi waa Gaal, laakiin Arrintaa Sheekh ka hadlaya arki maysid, Sheekh qabyaaladda ka hadlaya arki maysid, aakhiro ayuun buu kaaga warramayaa, waar waxaad ka warrantaa wixii Ifka lagu noolaan lahaa ee Jannada lagu tagi lahaa…”

 

Geeska.net/Hargeisa Office