Cabdiqaadir Jirde Oo Soo Bandhigay Sababaha Ugu Waaweyn Ee Uu Uga Tanaasulay Tartankii Guddoomiye-nimada Xisbiga WADDANI

0
589

Wuxuu sheegay inaanu doonayn inuu u tartamo Jago aanu u haynin Dhaqaale

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay sababaha uu uga tanaasulay inuu u tartamo Guddoomiye-nimada Xisbiga WADDANI.

Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo Toddobaadkii hore ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay inuu u tartamo Guddoomiye-nimada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Waraysi lagula yeeshay Barnaamijka Hal-adayg ee Telefiishanka HCTV, wuxuu kaga jawaabay su’aalo laga waydiiyey sababaha ku riixay inuu Tanaasulo.

Jirde wuxuu sheegay in nin dhaqaale lala barbar taagan yahay uu noqon karo Guddoomiyaha Xisbiga, balse qof aan dhaqaale haysan aanu xilkaasi hawaysan karin, waxaanu yidhi isagoo Tusaale u soo qaadanaya Madaxweynaha xilka haya ee Somaliland “Madaxweynaha Maanta jooga Muuse Biixi Cabdi, markuu halganka ugu jiray inuu hanto Guddoomiye-nimada Xisbiga dagaalkuu u soo galay waad ogayd, isagoo dibed-yaal ah oo aan ku jirin Safka Xisbiga (hoggaanka Xisbiga) dhaqaale ayuu Reerkiisu la daba joogi jiray oo Sanduuq buu lahaa, oo Yurub, Ameerika iyo Carabta looga soo diri jiray oo lagu yidhi ku hawl-gal, Hoggaamiye Xisbina waxa noqon kara Nin Taageeri intaa leeg Reerkiisa ka haysta, markaa xil aanan u haynin Miisaaniyad iyo Taakulo dhaqaale Xisbiga ma qabato kursigii ugu sareeyayna ii Meheriya, yaradkana iga bixiya.”

Guddoomiyaha Ku meel-gaadhka ah ee WADDANI wuxuu sheegay inay la noqon wayday in isagoon dhaqaale ku soo kordhinayn Xisbiga uu Kuriga ugu sareeya isku sharraxo “Markaa way ila noqon wayday, Xisbi aanad dhaqaale ku soo kordhin karin, oo hawshaa weyn ee Madaxweynaha loo tartamayo u hayn dhaqaale aad ku soo darto, taageerayaashiina aanad waxba la filaynin inaan Been u sheego maaha.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Way ila noqon wayday anigoo 80 Jir ah inaan Madaxwayne-nimo isku taag, naftaydana dulmi ayay ku tahay dalkana dulmi ayay ku tahay”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office