Guddoomiyaha SOLJA Oo Deeq Biyo Ah Gaadhsiiyay Deegaanka Laalayska

0
667

Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto),ayaa maanta deeq biyo ah gaadhsiiyay Dadwaynaha deegaanka Laalayska ee Galbeedka Hargeysa oo u dhaxaysa Abaarso iyo Arabsiyo oo ay ka jirto abaar baahsan oo taabatay nolosha dad iyo duunyo ee deegaankaas oo aanay biyaha maanta Guddoomiye Xuuto gaadhsiiyay ka hor aanay gaadhin wax deeq gar gaar ah oo ka mid ah taakulada Gurmadka abaaraha.

Deeqda biyaha ah oo dhammyd toban boyadood ayuu ku soo deeqay isla markaana uu ku soo hagaajiyay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac. Muwaadin Yuusuf Cabdi Barre oo ka mid ah qurba Joogga u dhashay deegaanka Laalayska.

Guddoomiyaha Solja ayaa deeqda biyaha ah ee loo soo wakiishay waxaa uu ku wareejiyay markii uu deegaanka Laalayska geeyay Cabdi Maxamed Xaaji(Cabdigahayr) .

Dadka deegaanka ayaa si wayn uga mahad celiyay deeqda biyaha ah ee uu soo dhiibay Yuusuf Cabdi Barre isla markaana uu soo gaadhsiiyay Guddoomiye Xuuto.

Oday Maxamed Yuusuf Ciise oo ku hadlayay afka dadweynaha deeganka,ayaa sheegay in deeqdan biyaha ah ee uu soo gaadhsiiyay Guddoomiyaha Solja ee ka timi muwaadin Yuusuf Cabdi Barre in ay tahay deeqda kaliya ee soo gaadhay in ay thay deeqda kaliya ee dadka deegaankaas soo gaadhay isla markaana ay ka ooman yihiin taakulada gurmadka abaaraha ah ee Xukuumadda Somaliland ka qaybinayso deegaanada dalka oo dhan.

“horta waxaan marka hore u mahad naqaynaa ALLE oo mahadda koobaad leh mar labaadna waxaan u mahad naqaynaa muwaadinka deeqda biyaha ah noo soo diray iyo Guddoomiyaha Urirka Suxufiyiinta Somaliand ee Solja oo deeqda tobanka booyadood ee Biyaha ah na soo gaadhsiiyay,taasoo ah deeqdii ugu horraysay ee na soo gaadha haddaanu nahay deegaanka Laalayska,waxaa kale oo aan sheegayaa in deeq dawladeed oo na soo gaadhay aanay jirin isla markaana biyaha Maanata Xuuto noo keenay aanay waxba nooga soo horrayn.”

deegaankan imika sidan ah ee indhuhu ka soo boodayaan waa dhulkii beeraha ee masnooyinka ahaa intaanay abaarta sadex jirsatay ku dhufan

Oday Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Maanta nolosha dadka iyo ta xooluhuba way adagtahay waxaanay ku wada nool yihiin oo qofkii hayaa uu siiyaa galay oo loo wada kariyaa dadka iyo Xoolahaba kii aan u haynna isaga iyo xooluhuba in ay isku dul bakhtiyaan ayuu halis ugu jiraa markaa waxaan Xukuumadda ka codsanaynaa iyo tijaartaba in ay taakulada gurmadka abaaraha wax naga soo gaadhsiiyaan dad iyo duunyoba halista abaartu way na saamaysay,e.”

Deegankan oo ahaa dhul beeralay aha isla markaana xoolo dhaqato ahaa ayaa imika waxay abaartu ka dhigtay oo uu dhulkaasi isu rogay gal galin iyo dhul didib ah oo aad dareemayso in ay adag tahay sida ay xoolo iyo dad ugu noolaanayaan kol haddii aan geed gab iyo geed dheer midna qoyanayn oo aanay xooluhuna calaf ka helayn geed la hadhsadaana aanu habayataadee aanu jirin oo dhamaan dhirtu ay mudhuxsan tahay.

Dadka deegaankaa ku nool ayaa u baahan taakulo gar gaar oo dhakhso loola soo gaadho si ay noloshoodu ugu soo kabato.