Guddoomiyaha Komishanka NHPC Oo Sheegay In Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Ku Dhacday Wax Ka Qabashada Xannaanada Xoolaha

0
669

Hargeysa (Geeska)- Guddoomiyaha Komishanka Qaran ee Mihnadlayaasha Caafimaadka ayaa si aad ah u dhaliilay qaabka ay xukuumadda Madaweyne Siilaanyo u soo xusho masuuliyiinta ugu sarraysa ee wasaaradda xanaanada xoolaha ee Somaliland iyo muhiimadda ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo siiso wasaaraddan.

1

Dr. Axmed Xaashi Oday oo la hadlayey barnaamijka caafimaadka ee talefishanka Horn Cable Tv, ayaa xukuumadda ku dhaliilay in xoolaha oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland, masuulna ay ka tahay aanay saarin culayskii ay mudnaayeen, waxa aanu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in muhiimadda koowaad ee hawlaha qaranka la siiyo wasaaradda xannaanada xoolaha, isaga oo ku taliyey in maamulkeeda loo xulo dad ku habboon.

Guddoomiye Dr. Axmed Xaashi oo ku afeeftay in dawladda Kulmiye uu ka mid yahay, dadkii dhaliyeyna ka mid ahaa, balse aanay taasi keenayn in uu dhaliisha u qariyo, ayaa sheegay in dawladda Kulmiye ay ku dhacday wasaaraddaas maamulkeeda iyo muhiimad siinteedaba, in kasta oo isaga oo Dhakhtar Xoolaha ah uu qudhiisu intii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirtay mar wasiir ka ahaa wasaaradda xannaanada xoolaha, haddana waxa uu sheegay in aanay wasaaraddaasi mar keliya dadkeedii helin, marka uu arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Wasaaradda xanaanada xoolaha dawladdu aad iyo ayaa ay ugu dhacday, sababtuna waxa weeye, waa laf-dhabartii xoolaha. Haddana mar qudha dadkeedii ma’ay helin”

Dr. Axmed Xaashi Oday oo sii iftiiminaya dooddiisa ah in wasiirrada uu madaxweyne Siilaanyo wasaaraddan u soo magaaabo, gaar ahaan wasiirrada iyo ku-xigeennadoodu ay yihiin kuwo aan u qalmin xirfad iyo aqoon ahaan midna, waxa uu yidhi, “Laba dhakhtar oo dad ah ayaa isaga hooseeyey, imika Milateri iyo dhakhtar dad baa isaga hooseeyey, imikana waxaa isaga hooseeya saxaafaddii iyo dhakhtar dad” Dr. Axmed Xaashi oday oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray in wasaaraddu aanay weli helin ehelkeedii wax ka qaban lahaa. Dadkii aqoonta u lahaa xannaanada xoolaha ee waddanka joogayna ay niyad jab ka qaadeen hab-dhaqankan xukuumadda Kulmiye ku waajahday wasaaradda, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Dadkii aqoonta u lahaana waa ay buuxana, oo intaas oo dhakhtar Veterinary (Xoolaha) ah baa jooga, qaar PhD ah baa jooga, intaas oo dhakhtar oo wada xannaanada xoolaha ah baa jooga. Markaa intiina dismoral (Niyad jab) baa ku dhacay, marka marna askari loo keeno, marna dhakhtar dadka ah loo keeno, marna saxaafaddii loo keeno. Waxa ay u arkayaan in aan aanay wax interest ah (Dan) oo dawladdu ka leedahay xannaanada xooluhu aanay jirin. Intaasi waa inta aan dawladdayda ku dhaliilayo”

Ugu dambayntii Guddoomiyaha Komishanka mihnadlayaasha caafimaadku waxa uu madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddaba kula taliyey in ay ka dhabeeyaan ereyada afka ay ka sheegayaan ee ah in xooluhu laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha, sida ay kaga dhabayn karaanna ay tahay in wasaaradda maamulkeeda loo dhiibo dad aqoonteedii iyo xirfaddeeda leh. “Waxaan ka codsanayaa madaxweynaha iyo maamulkiisaba in xannaanada xoolaha afkan ay ka leeyihiin waa lafdhabartii dhaqaalaha ay dib ugu soo noqdaanoo ay lafdhabartii dhaqaalaha ka dhigaanoo ehelkeeda waddanka jooga u dhiibaan, oo markaa xooluhu waxa ay u baahan yihiin iyo waxa ka maqanba dareensan” ayaa uu yidhi Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha caafimaadku.

Dr. Axmed Xaashi Oday oo ka mid ahaa golihii wasiirrada ee ugu horreeyey ee uu madaxweyne Siilaanyo magaaabay doorashadii uu ku guulaystay kadib, ayaa loo dhiibay wasaaraddan uu hadda masuuliyiiinta loo magacaabo dhaliilayo, laakiin Shan bilood oo keliya markii uu xilkaas hayey ayaa uu madaxweyne Siilaanyo u wareejiyey wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo iyadana markii uu wasiir ka ahaa muddo shan bilood ka yar, uu mar kale madaxweyne Siilaanyo ku daray liiska isku-shaandhayn uu sameeyey bishii saddexaad (March) 2012kii.

Dr. Axmed Xaashi oo ah dhakhtar xoolaha ah, ayaa imika isaguba ka masuul ah haayad maamusha mihnadlayaasha ka shaqeeya caafimaadka dadka, kadib markii uu madaxweyne Siilaanyo bishii March 2014 ka u magacaabay guddoomiyaha guddida mihnadlayaasha caafimaadka ee Somaliland, oo ah haayad dastuuri ah oo ka shaqaysa la socodka tayada iyo shaqo-wanaagga mihnadlayaasha caafimaadka iyo goobaha ay dadka ugu adeegaan.