Wasiirka Warfaafinta Ereteriya Oo Ka Hadlay Socdaalka Ay Weftigoodu Hargeysa Ku Joogaan

0
1073

Asmara(Geeska/W.Wararka)-Wasiirka warfaafinta Ereteriya Yemane G. Meskel, ayaa ka hadlay socdaalka ay weftiga Ereteriya ku joogaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Wasiir Yemane, ayaa bartiisa twitterka kaga hadlay socdaalka weftiga Ereteriya, waxaanu yidhi “Wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Salaax iyo la taliyaha madaxtooyada Yemane G/ab ayaa ku tagay Hargeysa socdaal shaqo oo qayb ka mid ah dedaalada socda ee lagu xoojinayo nabadgelyada gobalka.” Ayuu yidhi wasiirka Warfaafinta ee dalka Ereteriya waxaanu intaas raaciyay “Weftiga Ereteriya ee uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Cismaan Saalax, ayaa Hargeysa kula kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka mahadceliyay dedaalada Ereteriya. Madaxweynaha ayaa weftiga siiyay warbixin ku saabsan xaaladda iyo aragtida Somaliland.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here