Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Dhaariyay Masuuliyiin Cusub

0
666

yuusuf

Hargeysa (Geeska) Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Yuusuf Cali Ismaacil ayaa dhaariyey todobada xubnood ee aas aaska u ah komishanka xuquuqal iisanka qaranka Somaliland iyo laba xubnood oo ka mida golahada  wasiirada ee uu dhawaan magacaabay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Gudoomiye Yuusuf Cali Ismaacil wuxuu qasriga madaxtooyada ku dhaariyey laba wasiir oo ka tirsan xukumada madaxweyne Axmed Siilaanyo, kuwaas oo kala ah wasiirka ciyaaraha Md Cabdi Siciid Faahiye iyo wasiirka wasaaradda dib u dejinta Md Cabdirisaaq Cali Cismaan. Geesta kale wuxuu gudoomiyuhu dhaariyey todobada xubnood ee komishanka xuuqal iinsaanka qaranka Somaliland, isaga oo ku dhaariyey kitaabka quraanka iyo inay dalkooda iyo dadkooda ugu adeegayaan daacad iyo sinaan.

Xubnaha la dhaariyey ayaa kala ah Aamina Cabdilaahi Axmed, Liibaan Ismaaciil Maxamed, Saleeban Warsame Guuleed, Idiris Xuseen Suldaan, Hodan Maxamed Cali, Maxamuud Garaad Maxamed, Farxiya Xuseen Jaahuur.