Cabdimajiid Jano-gale Oo U Tartamaya Doorashada Baarlamaanka Somaliland

0
612

Hargeysa(Geeska)-Murshax Cabdimajiid Sheekh Maxamed Ibraahim (Janogale) ayaa si rasmi u shaaciyay in uu u taaganyahay Doorashada Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Soomaliland ee  La Filaayo In ay Dalka Ka Qabsoonto 2017 Kana Sharaxan Gobolka MaroodiJeex  .Musharax C/Majiid Janogale ayaa Wuxuu ka mid yahay Dhalinyarada Gobolka MaroodiJeex muddada dheer ku Noolaa , Waxaanu sheegay  xog-ogaal u yahay  Baahiyo Badan Oo Ay Qabaan Dadka Ku Nool Gobolka Maroodijeex , Maaadaama oo buu yidhi ay  muhiim tahay  in Qofka Iska Sharaxaaya Gobolka In Uu Yahay Shakhsi Waxbadan Ka Og Baahiyaha Dadka Uu Codka Ka Doonaayo . 

1

Murashaxa ayaa sheegay in guushu ay ku jirto wada jirka waxaanu ydihi “ Aniga Oo Ixtiraam Badan U Haya Cuqaasha Iyo Odayaasha Reerka Waxaan Ka Codsanaaya In Ay Dhex U Ahaadaan Musharixiinta Ka Sharaxan Beesha Iyo Cid Kasta oo Han Siyaasadeed Leh, Lana Ilaaliyo Isku Xidhnaanta Beesha Iyo Wada Jirkeeda Taas Ayayana Guusha Reer Ku Jirtaa iyo Tan Qaranka Somaliland , Guul Iyo Gobinimo Ayaan U Rajaynaay Cidkasta Oo Horumarka Iyo Wadda Jirka Ummadda Jecel ..” Ayuu Yidhi Musharax C/Majiid Sheekh Maxamed Ibraahim (Janogale) Oo Ah Musharaxa U Taggan Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland Kana Sharaxan  Gobolka MaroodiJeex .