Shirkadda SOMTEL Oo Xalay Soo Bandhiga 4G

0
722

Picture1Hargeysa (Geeska)-Shirkada Iskaadhsiinta Somtel, ayaa munaasibada aad u ballaadhan oo xalay ka dhacday Mansoor Hotel ku soo bandhigtay Adeega Internetka ee Casriga ah ee 4G, waxaana Munaasibadii lagu soo bandhigay adeegan ka soo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiiro, Agaasimayaal, Salaadiinta,aqoomyahanada,Dhalinyarada,anacsatada iyo Dadweyne kale oo fara badan, waxaana ugu horeyn Munaasibadaas ka hadlay Madaxa xhdiidhka dadweynaha iyo warbaahinta Khadar Cabdiraxmaan waxaanu sheegay inay Shirkadda Somtel u taagan tahay inay ka jawaabaan haabiyaha arrimaha Bulshada isla markaana horey looga bartay inay hormuud  ka soo ahayd adeega Internet-ka noocyadiisii ugu dambeeyey isaga oo arrmahaa ka hadlayeyna waxaa uu yidhi "caawa (Xalay) waxaan ku faraxsanahay inaanu idiin so bandhigidoono daah-furka adeegga casriga ah ee 4G".

Haad-ba haad-kici, Shirkadda Somtel oo aad uga  barateen inay idiin daadihiso hogaanka adeegga Internetka ee dalkeena waxay caawadana (Xalay) idiin soo badhigaysaa Adeeggii ugu dambeeyey ee hadda dunida laga isticmaalo kaasoo dalkeenu noqonayo wadnkii ugu horeeyey  Geeska -Africa ee laga adeegsado adeegan 4G" .

Madaxa qaybta Ganacsiga  Maxamed Rooble oo isaguna halkaas ka hadlay waxa uu sharaxaad ka bixiyey adeeggan cusub ee  4G waxaanu sheegay inuu yahay Adeeg ka xawaare sareeya kuwii horey looga isticmaalijiray Somaliland waxaanu yidhi "hadaan wax yar idiinka sheego sida uu adeegan cusub ee 4G-gu -u shaqeeyo waa -adeeg deg deg ah oo sida biriqda [hilaaca oo kale] u shaqeeya". Waxaa isaguna Madashaas ka hadlay Madaxa qaybta adeegan Internet-ka Xasan Sheekh Maxamuud Suufi waxaanu ka sheekeeyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray adeegga Internet-ku markii ugu horeysay adeegani waxa uu ka soo bilawda dalka Japan sanadihii sideetamaadkii goortaasoo ay ahayd  waxay dunidu  u arkaysay inuu yahay wax mucjiso ah oo lala wada yaabay balse waxay arintu intaa ka sii balaadhatay markii ay qaybtiisa 3G-gu soo dhaaday Somaliland markii ugu horeysay kaasoo lagaga haqabeelay sidii aan xaga horaba ku soo sheegnay baahiyihii dadka ka haystay, dhamaan adeeganii waxa u uka shawqayn doonaa oo aad ka heli kartaan xarumaha shirkadda Somtel"

 Cabdi Faarax oo ah Masuul ka tirsan Shirkada Dahabshiil oo  ku hadlayey magaca Shirkadda Dahabshiil oo halkaas ka hadlay waxa uu soo dhaweeyey inay Somtel daah-furtay barnaamijkan 4G-ga waxaanu yidhi “Somalidu waxay tidhaadaa Haad-ba haad-kiciyoo Gorgorkii baayidhi maraa waxaan leeyahay Dahabshiil oo aad ku barateen inay xawaaladda idiin dadajiyaan oo caawana 4G loo furay waxay noqon doontaa wixii shaqadii ugu fiicnayd ee ay dadweynuhu nagahelaan hadaanu nahay bahda Dahabshiil Group”  Suldaan Axmed Daahir oo isna ka mid ah Madax dhaqameedka Somaliland oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweeynayo adeegan cusub ee ay shirkada Somtel ay soo kordhisay. Wasiirada Ciyaaraha iyo Boosaha iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Somaliland oo iyana halkaas ka hadlay ayaa aad u soo dhaweeyey adeegan waxayna aad ugu amaaneen shirkada Somtel.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay ayaa yidhi "caawa (Xalay)  Somaliland waxaa farxad ugu filan inay Shirkada Somtel inoo keentay Adeegga 4G waxaana inagu waajiba inaynu u ducayno Maxamed Siciid Ducaale [Dahabshiil] oo aunu nidhaano ilaahay hakuu barakeeyo Ganacsigaaga xalaasha ah"  Waxaanu Madaxweynu ku xigeenku ugu dambeyntii abaalmarino gudoonsiyey dadka ku guulaystay bakhtiyaanasiib.