Kulan Iyo Wada-Hadal Dhexmarey Dallada Sonyo Iyo Golaha Qaran Ee Dhallinyaradda Dalka Yugaandha

1
969

 

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha dallada SONYO, Md.Mubarak Ismail Taani ayaa socdaal shaqo ku jooga caasimada Kampala ee dalka Yugaandha halkaas oo waftiga Dallada Dhallinyaradda SONYO kula kulmi doonaan dhinacyo badan oo isugu jira hay’adaha dawliga ah ee dhallinyaradda qaabilsan ee dalka Yugaandha iyo  hay’adaha qaramada midoobay ee dalka Yugaandha ku yaala.

Iyo Sida oo kale Ururada dhallinyaradda Yugaandha, safaarado dalal dhawr ah oo Yugaandha ku yaala iyo jaaliyadda reer Somaliland ee Yugaandha.

Waftiga Dallada SONYO ayaa ah 7-xubnood oo kala ah Guddoomiyaha Dallada SONYO, madaxa guddida kormeerka iyo qiimeynta ee Golaha Sare, madaxa guddida isku-xidhka iyo isku-dubaridka, laba xubnood oo ka tirsan iyaguna Golaha Sare, agaasimaha fulinta ee dallada iyo la taliyaha SONYO ee dhinacyada barnaamijyada Sidoo kale waxaa iyaguna kulamada waftiga SONYO ku wehelinayay wakiilada dallada SONYO ee dalka Yugaandha, Xasan Miisaan iyo Xasan Cabdi Shire.

Haddaba waxaa kulan dheer oo is-barasho iyo iskaashi ah yeeshey dallada SONYO waftiga ka socda iyo Golaha qaran ee Dhallinyaradda Dalka Yugaandha (Ugandan National Youth Council). Kulankan oo ahaa mid si weyn loogu lafo-gurey iskaashiga dhexmari kara dhallinyaradda Somaliland iyo ta Uganda ayaa qaatey muddo saddex saacadood ah.

Waftiga Dallada SONYO ayaa si weyn uga xog-waramay hanaanka dawladnimo iyo dimoqraadiyadeed ee Somaliland iyagoo waftigu xog-waran guddo-balaadhan ka bixiyey qaranimada iyo hanaanka horumarineed ee Somaliland. Hoggaanka Golaha Qaran ee Dhallinyaradda Yugaandha (Ugandan National Youth Council) ayaa soo dhaweeyey socdaalka dallada SONYO ku timid dalka Yugaandha iyagoo muujiyey inay xidhiidh adag iyo wada-shaqeyn dhaw la yeelan doonaan dallada SONYO iyo dhallinyaradda Somalilandba.

Waxaa sidoo kale labada dhinac wadaageen xogo ku wajahan hanaanka shaqo ee ay u hawlgalaan iyo sidoo kale himilooyinka fog ee ay hiigsanayaan. Wada-hadal dheer iyo fikrado isweydaarsi ka dib waxay labada dhinac isla af-garteen kuna soo gunaanadeen kulankoodan qoddobadan soo socda:

In labada dhinac yeeshaan xidhiidh dhaw iyo wada-shaqeyn toolmoon oo mustaqbalka dhaw iyo kan fogba leh.In labada dhinac ka hawlgalaan sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen dedaalada dhallinyaradda bariga Afrika ugu jiraan horumarinta iyo kobcinta bariga Afrika iyo inay noqdaan kuwo hanoqaada oo qabta hoggaaminta Bariga Afrika isla markaana horumar balaadhan u horseeda dhammaan qaarada Afrika oo ay labada dhinac isla garteen inay u jeelan tahay kheyraad bani-aadam oo leh tamar iyo tayo ay ku hantaan qaaradooda kuna horseedaan nolol tayo leh iyo horumar is-gaadhsiisan oo dhaqan-dhaqaale. In labada dhinac is-weydaarsadaan kulamo iyo booqashooyin iyo sidoo kale mashaariic horumarineed oo ay labada si wada-jir ah oo mataaneysan u hirgaliyaan. In labada dhinac ay horseedaan isla markaana si weyn uga hawl-galaan sidii labada wasaaradood ee dhallinyaro ay u yeelan lahaayeen xidhiidh iyo wada-shaqeyn dhaw isla markaana ay u horseedi lahaayeen xidhiidh adag oo dhexmara labada dawladood ee labada dal.

In labada dhinac ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa xidhiidhada ka dhexeeya hay’adahooda qaabilsan ciyaaraha si ay labada dal u yeeshaan tartano ciyaareed oo saaxiibtinimo.

Ugu dameyntii kulanku waxaa uu ku dhammaaday jawi haboon iyo guulo laga gaadhay ujeeddooyinkii laga lahaa. Golaha Qaran ee Dhallinyaradda Yugaandha waxaa ay waftiga SONYO la kulansiin doonaan xubno ka tirsan masuuliyiinka Yugaandha si ay usii adkeeyaan wada-hadalka dhexmarey isla markaana ugu sahlaan wafitga inay kulamo wax-ku-ool ah la sameeyaan dhinacyo badan.

Comments are closed.