Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Furay Koobka Kooxaha Heerka Koowaad Ee Caasimada

0
564

Waxa maalinkii shalay si rasmiya uga furmay garoonka Hargeysa Stadium, tartanka kooxaha heerka koowaad ee Caasimada Hargeysa,tartankan oo ay qaban qaabiyeen Masuuliyiinta Wasaarada CIyaaraha iyo Dhalinyarada JSL ayaa sidoo kale waxa doorkooda muhiimka ah kaqaybqaadanayey  xidhiidhka ciyaaraha JSL.  Xafladii furintaanka oo si habsimiya loogu soo agaasimay garoonka Hargeysa Stadium ayaana waxaa furay koobkan Maamulka iyo masuuliyiinta Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyada Somaliland oo uu horkaco wasiirka wasaarada Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble. Kaasoo ciyaartooyadii labada kooxood ee Dawlada Hoose Iyo Wasaarada Duulista Iyo Hawada MiD Mid usoo gacan qaaday.

Masuuliyiinta wasaarada ayaa hadalo kooban jeediyey xafladan iyadoo dhamaan cid kasta oo ka qayb qaadatay uga mahad celinyey gaar ahaana Hay’adaha US Aid iyo  Mercy Corps ay ka qayb qaateen fanka tartankan.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen dhamaan ciyaatooyada iyo kooxaha kaqayb qaadanaya inay sida ugu quruxda badan uga qaataan tartankan oo socon doono muddo bil ku dhaw.

Waxaana kulankii furitaanka fooda isdaray ama wada ciyaaray labada kooxood ee Dawlada Hoose ee Hargeysa iyo Wasaarada Duulista iyo Hawada, ciayartan oo ahayd mid aad u adag oo labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar saraysa, ayaa waxay kusoo idlaatay 1-0 ay guushu ku raacday kooxda Dawlada Hoose Ee Hargeysa.