UCID Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Bulshada U Sheegto Sababta Keentay Inuu Dalka Ka Go’o Qoriga Cas Ee Guryaha Lagu Dhisaa

0
589

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa ka hadlay hakad ku yimid looxa cas ee guryaha lagu dhiso, taas oo ay ka dhalatay shaqo la’aan soo food saartay dadka muruqmaalka ah ee ka shaqeeya dhismayaasha.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi, ayaa sheegay inay ganacsato uu xidhiidh la sameeyey ay u sheegeen in Looxa casi uu soo gaadhay Dekedda Berbera, balse loo baahan yahay inay Xukuumaddu ay gurmad u fidiso dadkii ay noloshoodu ku xidhnayd dhismayaasha ee xilligan bilaa camalka ahaa labadii bilood ee ugu dambeeyey ee looxuhu go’aana, waxaanu yidhi  “Waxaa maalmihii ugu dambeeyey ka go’naa dhammaan deegaanada Somaliland looxa cas ee guryaha la saaro, kuwaas oo ay ku camal waayeen boqollaal kun oo qoys, waynu ognahay oo dadka muruq maalka ah ee ka shaqaysta dhismayaasha kama yara boqolkiiba afartan”

Mar uu baaq u dirayey Xukuumadda  wuxuu yidhi “Markii aan waraystay Shirkadihii looxa keenayey waxay ii sheegeen in looxii Dekedda soo gaadhay, balse uu weli ku jiro, waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, inay arinta deg-deg wax uga qabato, oo ay inoo sheegto sababta looxahan xanibtay, oo sababta looxa loo waayey ay bulshada la wadaagto, waxaan kale oo aan baaq u dirayaa Ganacstada oo aan leeyahay bulshada la wadaaga sababta looxii u keeni waydeen ee idin haysta bulshada la wadaaga”

 

Geeska.net/Hargeisa Office