Hay’adda ICG Oo War-bixin Ku Sheegtay In Guul-darrada Xisbiga KULMIYE Ee Doorashadu Salka Ku Hayso Hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

0
773

Hargeysa (Geeska) – Hay’adda Caalamiga ah ee Qulqulatooyinka Adduunka ee loo yaqaano The International Crisis Group, ayaa majeertay Doorashooyinkii Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka ee ka qabsoomay Jamhuuriyadda Somaliland 31kii May ee sannadkan, waxaanay ku tilmaameen inay Somaliland tallaabo muhiim ah u qaaday dhinaca Dimuqraadiyadda iyo xasiloonida.

ICG, ayaa War-bixinteeda lagu sheegay in xisbiyada mucaaridka ahi ay guulo waaweyn ka gaadheen doorashadaasi, isla markaana ay doorashadii Guddoonka Baarlamaanku ku soo dhammaatay si horusocod leh 3dii Bisha August.

Warbixintu waxay intaas ku dartay inay Somaliland muujisay dhaqan

dimuqraadiyadeedkeeda, inkasta oo aanay jirin haween lagu soo doortay Baarlamaanka, hase ahaatee ay doorashooyinkaasi ku qabsoomeen si nabdoon oo xor ah.

The International Crisis Group, waxay sheegtay tan iyo markii ay Somaliland madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya ay horumar weyn ka samaysay dhinaca nabadgelyada, isla markaana ay hanatay maamulka dalkeeda oo ay hirgelisay dawladnimo.

Warbixintu waxa kaloo ay xustay in doorashooyinka ay Somaliland qabatay ay ahaayeen qaar muddo dhaafay oo Golaha Guurtidu dhawr jeer ugu sameeyeen muddo kordhin.

ICG, ayaa waxa kale oo ay War-bixinteeda kaga hadashay sababaha loo aanaynayo in Xisbiga Talada Somaliland ee haya ee KULMIYE lagaga guulaysto doorashada, waxayna sheegtay inay arrintaasi ku lug leedahay hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi “Dad badan ayaa u arka (guul-darrada Kulmiye) inay muujineyso canaan uu mutaystay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo hoggaamintiisa qaar ka mid ah goobjoogayaashu ku tilmaameen mid qabiil ku dhisan” ayaa lagu sheegay War-bixinta ICG, taasi oo sidoo kale lagu sheegay in guul-darrada Kulmiye ee doorashadii Wakiillada iyo deegaannadu ay sabab u tahay xidhiidh xumada Beelihii u ku midaysnaa xisbiga Kulmiye “Xidhiidh xumadii u dhexaysay laba beelood oo waaweyn, ayaa laga yaabaa inay sidoo kale saamayn ku yeelatay natiijada”

 

Geeska.net/Hargeisa Office