Maayarka Burco Oo Ka Hadlay Dayn Xad Dhaaf Oo Ay Dawladda Hoose Gashay

0
574

burcoBurco(Geeska)–Maayirka degmadda Burco Maxamuud Axmed Xasan (Dhagolaab) ayaa sheegay saddexdii bilood ee u danbeeyay Dawladda Hoose ee Burco  in ay dayn cagaha la gashay ,mudadaasi oo  uu xilka hayay xoghayihihii hore ee xilka laga qaaday ee Dawladda Hoose ee   Aadan Cali Saalax .

Maayirka ayaa sidaasi ku sheegay munaasibad balaadhan oo Dawladda Hoose ee Burco ka lagu qabtay oo uu badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo axmed Aaayar  xilka ugu kala wareejinaayay xoghaye cusub oo Dawladda Hoose ee Burco loo soo magacaabay iyo xoghayihii hore ee xilka laga qaaday ,taasi oo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin kala gadisan oo ka kala soctay laamaha Dawladda ee gobolka Togdheer $ qaybaha bulshada ee magaalada Burco ." Waxaynu halkan isugu nimid in aynu xoghayihii horena sii wadacno Xoghayaha Cusubna soo dhawayno,Xoghayaha hore ee Aadan maanan ashkatayn laakiin waxanu Wasiirkana u dhiibnay Badhasaabkana u dhiibnay Xisaab xidhkii lixda Bilood ina dhaafay waxay gashay Dawlada Hoose dayn dhan  Hal Milyan iyo Boqol oo  Saddex Boqol mooyaane inta kale tahay Kabkii Dawlada dhexe ka iman jirtay. Mar haday dakhligii wasaarada iyo dawlada dheexe soo baasgareeyeen uu soo bixiwaayay waxaa loo baahaday cid dakhligii soo saarta in la helo,Muhiimaduna waxa weeyay dakhligii baa soo bixi waayay.’

Xoghayihii Hore ee Dawladda Hoose Aadan Cali Saalax oo xilka  hayay  muddo Sadex Bilood ah  ayaa ku dooday in sababta Xilka looga qaaday la xidhiidho farogalin uu ku sameeyay Lacago Dawlada Hoose ka soo gasha GBLG oo u xusay in si khaldan loo isticmaalo ." Waxa lays waydiinayaa Xoghayuhu Mudo yar buu joogay ee tolow ma shaqadii buu garan waayay,laakin taasi way iska cadahay oo murankayagu waxa uu ka yimi Qaybta mashaariicda  Hay,aduhu Bixiyaan ee la yidhaahdo GBLG  oo aanu isku Afagaran waynay, Mashaariicdaas oo ahaa mashaariic aanay Xoghayayaashii hore aanay la soconin jirin isla markaana sifo khaldan loo isticmaalijiray .,Ujeedadayduna waxa ay ahayd inaanu hagaajino habsami usocodka Mashariicda ay Bixiso Dawlada Hoose " Sidaasi ayuu Aaadan Yidhi.

Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay  mudadii uu xilka hayay Dawladda Hoose ee Burco in ay mashaariico waaweyn magaalada ka fuliyeen isla markaana wax dayn ah oo habayaraatee dawladda Hoose lagu leeyahay aaney jirin .

Xoghayaha Cusub ee xilka la wareegaayay Cali Cabdi Xirsi oo isna hadal kooban ka jeediyay munaasibadaasi ayaa  hoosta-ka-xareeqay  Xilka Xoghayanimo ee Dawladda Hoose wasaarada arimaha Guduhu in ay iyada u taalo hadba cidii ay u dhiibayso ,waxaanu Xoghayaha Cusubi Khalad ku tilmaamay oo uu raaligalin ka bixiyay  Odayaal iyo wax garad ka soo jeeda beeshiisa oo hore uga hadlay Bedelka Xoghayaha hore.

Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar oo xilka u kala wareejiyay labadan xoghaye ayaa ee Dawladda Hoose ee Burco ayaa kula dardaarmay xoghayaha cusub Cali Cabdi Xirsi in uu xil adag iska saaro sidii hawlaha shaqo ee Dawladda Hoose uu u laban-laabi lahaa isla markaana wadashaqaynta laamaha dawladda xil adag iska saaro sidii loo xoojin lahaa.

waxaanu guddoomiyuhu u mahad-naqay xoghayihii hore ee xilka laga qaaday Aadan Cali Saalax oo uu shaqo tan ka fiican u rajeeya ,waxaanu sheegay in uu xilku meerto yahay .