Guddoomiyaha Cusub Ee Baanka Oo Si Rasmiya Xilkii Ula Wareegay

0
627

Picture2Hargaysa(Geeska)- Guddoomiyaha Cusub ee Baanka  Cabdillaahi Xaaji Jaamac Cali oo dhawaan Madaxweynuhu xilkan u magacaabay kadib markii uu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Hore ee Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa si rasmiya Xilkii ula wareegay.

Munaasibada xilka wareejinta oo Shalay ka dhacday    Guleed Hotel ee Magaalada Hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiiro,XIldhibaan,Salaadiin iyo Marti sharaf iyo dad wey aad u  badan. Agaasimaha Guud ee Baanka Somaliland Cabdillaahi Xasan Aadan oo isagu munaasibadaas ka hadlay ayaa ka waramay  xaaladihii kala duwanaa ee uu Baanku soo maray iyo waxqabadka  uu ku tilaabsaday oo ku tilmaamay mid ka yimid Shaqaalaha iyo Guddoomiyaha Baanka oo isku xidhan, waxa uu sheegay inuu xilku meerto yahay oo Guddoomiyahan xilka wareejiyey ee Cabdi Dirirna Baanka soo gaadhsiiyay Horumar Buuxa oo lagu xasuusan doono.

Guddoomiye ku xigeenka baanka Somaliland Cumar yuusuf Buux oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa Guddoomiyihi hore ku amaanay inuu  shaqsi shaqo wanaagsan jeclaana markasta inuu la dagaalamo sixir bararka lacagta Somaliland gaadhsiiyo meel aanay gaadhsiin ragii ka horeeyay.

Mustafe Cisman Geele oo ku hadlayay magaca  Shirkada Sharaabka ee SBI, iyo masuuliyiin ka socotay Baananka Dahab Shiil iyo Salama oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay wax qabadkii guddoomiyihii hore iyagoo balan qaaday inay wada shaqayn buuxda la yeelan doonaan guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Sanwayne,Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Sacad Cali Shire iyo Wasiiru dawlaha Wasaarad Maaliyada Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa iyagu sheegay in Ay la shaqayn doonaan Guddoomiyaha cusub ee Baanka iyaga oo iftiimiyay in isku bedelka Madaxwaynuhu sameeyay yahay mid loogu talo galay in Lagu dardar galiyo hawlaha shaqo ee baanka somaliland.

Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa  sheegay in xilku meerto yahay,waxaana uu ka warbixiyay inta lacag ah ee uu ku wareejiyey Guddoomiyaha cusub ee Baanka Somaliland.

Guddoomiyaha Cusub ee Baanka somaliland Cabdillaahi Xaaji Jaamac Cali oo isna munaasibada ka hadlay ayaa dadkii munaasibada xil wareejinta ka soo qayb galay ka codsaday in ay ILLAAHAY uga baryaan inuu xilkaas la garab galo shaqaalaha waxa uu u soo jeediyay in ay shaqada u hayaan bulshada u gabar baxaan.