Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Xaaladda Jaamacadda Hargeysa

0
588

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay muran ka taagan jaamacadda Hargeysa kaas oo la arko in haddii uu xadkan sii dhaafo uu curyaamin doono jaamacada Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay hay’ad Denmark laga leeyahay oo durtay amniga Somaliland.

Wasiir Sacad oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu ugu horayn isagoo ka hadlayay suaal laga weydiiyay jaamacada Hargeysa oo ahayd inay jaamacadu liidato uu yidhi “Runtii arrimahaas waxba kama jiraan gudidu runtii markii hore waxa ay ahayd sagaal,Laba qof ayaa naga baxay hada waxaanu ku joognaa todoba labadaas baxayna waxaanu ku talo jirnaa inaanu buuxino,markaas wax afar Qof oo kooram ah aanu go’aan ku gaadhno maba jiraan, gudiduna runtii bishii mar ayay fadhiistaan go’aan kaligayba Ma gaadhi Karo wax iga-fulaana waxba ma jiraan ee waa go’aan loo dhan yahay ayaanu gaadhnaa waana arin guddi.”

Wasiirka Qorshaynta ayaa sheegay in Jaamacadda heerkeeda kor loo soo qaaday muddooyinkii ud ambeeyay “Jaamacaddu horumar balaadhan ayay samaysay sadexdii sanno ee ugu danbeeyay,halkii ay joogtay markii hore iyo halka ay maanta joogto aad ayay u kala fog yihiin,haday noqoto dhinaca maamulka, dhinac ardayda,dabcan tabasho way iska jirtaa,meel tabasho la’ina majirto laakiin, annaga waajibka nasaarani waxa weeyaan sidaanu u sixi lahay una waanajin lahayn jaamacadda.”

Wasiir Sacad waxa kale oo uu ka hadlay hay’ad laga leeyahay Denmark oo ka dayrisay ammaanka Somaliland, waxaanu yidhi “Waan Arkay, waan soo saaray (xogta) waxaanan kala hadlay safiirka u fadhiya dalka Kenya, Si gaar ahna email waan ugu diray waxaanan kala hadlay in la saxo ama laga saaro warkaas ay ku sheegeen somaliland.”