“Xubintii Aan Lahaa Iskamaan Casilin, Manaan Dedafayn, Qof Kale Oo Muhiima Ayaan Uga Tanaasulay”

0
523

Picture6

Hargeysa(Geeska)-Marwada madaxweyne Siilaanyo Aamina-weris Maxamuud Jirde, ayaa ka hadashay xubin uu golaha dhexe ee KULMIYE ka siiyay guddoomiyaha KULMIYE.

Aamina, oo saxaafadda si kooban ugula hadashay hoteelka Maansoor ee Hargeysa, waxay tidhi "Halkan caawa Siyaasad umaan iman, Siyaasadna ka hadli maayo, waxa aan iska casilayna ma jiraan, Golaha Dhexe ee Xisbiguna waa Xisbi Dimuqraadiya, waa Xisbi qof walba gali karo, aniguna xubintii aan lahaa iskamaan casilin, manaana dedafayn, qof kale oo muhiim ah oo Xisbiga ka mid ah ayaan uga tanaasulay ,  casilaadna maaha, xumaana maaha,idinkuna Saxaafadda ayaad tihiine Caawa Deegaanka ayeynu ka hadlaynaa mustaqbalkeena iyo deegaanka ayeynu ka hadlaynaa.

Xisbiyadeenu waa tartan, waa dimuqraadi waa inteenan inta tartamaysaa dhex u ahaada, aniguna dhex baan u ahay, idinkuna dhex u ahaada,”