Hargeysa(Geeska0-Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Abiib Diiriye (Nuur) ahna Gudoomiyihii Gudida qaban qaabadda aaskii qaran ee loo sameeyay Marxuum- Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), ayaa xalay mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland, xukuumadda,Goleyaasha qaranka, axsaabta, ururada siyaasada, ardayda jaamacadaha iyo dhammaan kumanaankii qof ee maanta ka qeyb galay aaskii Marxuumka oo maanta si heer qaran ah loogu aasay Magaalada Hargeysa.
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ahna Guddoomiyihii Gudidii qaban-qaabada aaska Marmuum- Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray oo u dhignaa sidan:- “Anigoo ku hadlaya magaca Gudidii qaban-qaabada aaskii qaran ee maant [shalay]a xabaalaha Xeedho ee magaalada Hargeysa loogu sameeyay Abwaankii weynaa ee Marxuum- Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), waxa aanu u mahad celinayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aan illaa maalintii uu Marxuumku ku geeriyooday isniintii todobaadkii hore magaalada Oslo ee dalka Norway qeyb libaax ka qaatay sidii halyaygaas qaran ee Somaliland ka baxay si heer qaran ah loogu aasi lahaa dalkiisa hooyo.
Waxa kale oo aan si weyn ugu mahad naqaynaa Madaxweynaha Somaliland, xukuumadda,Goleyaasha qaranka, axsaabta, ururada siyaasada, ardayda jaamacadaha iyo dhammaan kumanaankii qof ee maanta ka qeyb galay aaskii marxuumka.
Sidoo kale, waxaanu u mahad celinaynaa jaaliyada Somaliland ee Magaalada Oslo ee Marxuum- Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) mudadii uu xanuunsanayay ku hayay cisbitaalka isla markaana soo taban-taabiyay sidii marxuumka maydkiisa loogu soo duulin lahaa dalka. Waxaanan Guddi ahaan leenahay ILAAHAY khayr ha idinkaga abaal-mariyo.
Marxuum- Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) waxa uu ahaa halyay iyo geesi qaran ee kaalin shariif ah ka soo qaatay halgamadii kala duwanaa ee dalku soo maray, nabadeyntii beelaha iyo dib u dhiskii qaranka oo uu mar walba kaalin mugleh ka soo qaatay. “