Aragtida Raysalwasaaraha Somaliya Ka Qabay Somaliland Doorashadiisa Ka Hor?

0
531

 

wasareNayroobi (Geeska/Somalichannel)- Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay inaanay ahayn soomaali nacayb iyo wadaniyad-xumo sababta Hargeysa u tagtay, isla markaana marka tallo soomaali la helo aanay meel dheer jirin.

 

Raysal wasaaraha oo muddadii ay socotay diyaarinta dastuurka Soomaaliya telefishanka SomaliChannel wareysi gaar ah kula yeelatay Nayroobi, oo xisbi Rajo la yidhaahdo uu ka sameeyey ayaa mar la weydiiyey fikirkiisa madaxbanaanida Somaliland waxuu ku jawaabay, “ Fikrada aan ka qabno waa Soomaaliya waa wada kaban kartaa ee ma kala kaban karto. Ma jiri karo gobol ama dawlad gaar ah oo dhibaatooyinka soomaaliya intay ka cararto ku badbaadi karta, meel ay noqotaba. Waxaan aaminsanahay inay dantu ku jirto midnimada iyo wada jirka Soomaalida. Waa fikirka aan aaminsanahay. Ma qabo soomaali nacayb iyo wadaniyad xumo waxa Hargeysa u tagtay. Maxaa yeelay marka xukuumadii dhexe sii degayso qof walba inuu siyaasad isbadbaadi ah qaato, waa ku khasab. Marka tallo Soomaali la helo ma qabo inay meel dheer jiraan, mana heli karaan tallo wadajirka ka wanaagsan oo lagu badbaadi karo. Hadday soo baxdo qof wadajirkaa wax uga wanaagsan heli kara waynu arki doonaa. Caalamka siyaasadaha qaarkoodna way dhiiri gelinayaan. Hore dhamaan ururadii dagaalamayey siyaasadooda kuma jirin goosasho, laakiin markii talladu xumaatay ayey ka maagashadu timi.”