Maxkamadda Sare Ee Masar Oo Joojisay Xukunkii Dila Ahaa Ee Maxamed Morsi

0
531

Maxkamadda sare ee Masar ayaa go'aamisay in la joojiyo dilkii lagu xukumay madaxweynihii hore ee Maxamed Morsi, waxayna amartay in dacwada mar kale la qaado.

1

Sanadkii hore, Mr Morsi ayaa lagu xukumay dil kadib markii lagu eedeeyay xabsi laga baxsaday waqtigii kacdoonkii 2011.

Mr Morsi oo ka mid ah xisbiga Akhwaan Muslimiinta ayaa ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee si dimoqraadi ah loo doorto kadib kacdoonkii Carabta.

Laakiin waxaa xukunka ka qaaday milatariga 2013-dii, kadib mudaaharaadyo looga soo horjeeday dowladiisa. Tan iyo waqtigaas wuxuu u xidhan yahay danbiyo kale oo lagu xukumay waqti dheer.