Madaxda Waddani Ee Burco Oo Soo Jeediyay In Doodda Qaran Lagu Qabto Magaaladooda

0
534

Burco(Geeska)-Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ee Gobolka Togdheer iyo Taageerayaashooda ayaa si weyn u taageeray Shirweynaha Dooda Qaran ee Labada Xisbi Mucaarid qabanqaabadeeda wadaan.
Geesta kale Masuuliyiinta Waddani ee gobolka Togdheer oo kulan balaadhan oo ay iskugu yimaadeen ku qabtay Hoteelka Golis ee magaalada Burco  ayaa ku baaqay in dooda qaran lagu qabto magaalada Burco isla markaana ay diyaar u yihiin martigalinteeda .

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Gobolka Togdheer Xuseen Kaahin Xayd iyo masuuliyiin kale oo xisbigaasi ka tirsan ayaa Kulankaasi ka hadlay waxaana hadaladoodii ka mid ahaa .  Waxa jiray masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda talada haysa iyo Xisbigeeda oo shirbeeleed ku tilmaamay Shirka Doooda Qaran ee Labada Xisbi mucaarid qabanayaan ,waxaanu leenahay taasi waa marin habaabin wax alaale wax ka jiraana ma jiraan shirbeeleed-na sharcigeenuna ma ogola dastuurkeenuna ma ogola ,waxaananu leenahay waar waxa la qabanayaa waa dood Qaran ,Dood Qarana hore ayay inoo soo martay wax ay inoo kordhisay mooyee waxay ina yeeshayna ma jiraan markaa doodani waxyaabaha qaloocan ee indhaha shicibka Somaliland arkayaan ayaa lagu toosinayaa martiqaadkeeda iyo ururinteeda Dooda Qaran-na waxa laga sugayaa dadweynaha reer Togdheer.” Sidaasi waxa yidhi Gudoomiyaha Xisbiga wadani ee Gobolka Togdheer Xuseen Kaahin Xayd.

Hinda Jaamac Gaani oo iyana ka mid ah masuuliyiinta Wadani ee gobolka Togdheer ayaa waxa hadaladeedii ka mid ahaa “ Run’ahaantii waxa la yaab ah in qofku garanwaayo Taariikhdii shalay ,waxa la yaab ah waxa ay Xukuumadu uga soo horjeedo in la qabto Dooda qaran iyadoo ay shalayto Kulmiye iyo Ucid wada qabsadeen ,Dood Qaran dalkaa u baahan ,dadkaa u baahan Caalamkaa xitaa inooga baahan in aynu isa saxno ,waxyaabaha lagaga hadlayaana waxa Kow ka ah sidii doorashooyinka soo socda oo wakhtigoodii ina soo galay loogu diyaar-garoobi lahaa isla markaana si cadaalad ah ay ugu qabsoomilahaayeen.

Mida kale Xukuumadu waxay ku dhaleecaysay Xisbiyada mucaaridka ah in ay xidhiidh la leeyihiin Somaliya ,marka ay Xukuumadu sidaasi leedahay waxa is waydiin u baahan horta Xisbiyada Mucaaridka ahi iyo Somaliya ma is arkaan ? maya weeye Jawaabtu ,waayo marka ay Somaliya iyo Xukuumadu shirayaan ,Xukuumadu ma ogola in ay axsaabta mucaaridku ka qaybqaataan shirkooda ,hal shir oo Ingiriiska ka dhacay ayay ka qaybqaateen kii labaad Ina Cali Waraabe waa laga reebay markaa waxaan leeyahay axsaabta mucaaridku shaqo kuma laha ,ma ku jiraan Somaliya ,dumin-maayaan Somaliland waxkastoo Qaranka waxyeelo ku ahna ma galayaan “ Sidaasi ayay Marwo Hindi Hadalkeeda kaga baxday. Geesta kale Jaamac Sidiiq oo isna ka mid ah Masuuliyiinta Wadani ee Gobolka Togdheer ayaa balanqaaday in ay Diyaar u yihiin Martigalinta shirweynaha Dooda Qaran in lagu qabto magaalada Burco waxaana hadaladiisii ka mid ahaa . “ Shirweynaha Dooda Qaran waxaanu doonaynaa in aanu Martigalino oo Burco Lagu qabto waxaananu cadaynaynaa in aanu diyaar u nahay hawshaasi “ Sidaasi ayuu hadalkiisa kaga baxay.

Sidoo kale waxa iyana halkaasi ka hadlay Salaadiin ,Cuqaal iyo waxgarad ka tirsan Taageerayaasha Xisbiga Wadani ee gobolka Togdheer ,waxaaney dhamaantood hoosta ka xariiqeen sida ay u taageersanyihiin Martigalinta  Shirka Dooda Qaran sidii loogu qaban lahaa gobolka Togdheer gaar’ahaan magaalada Burco .

Masuuliyiintan ,Waxgaradkan iyo Dhalinyaraddan Wadani ee gobolka Togdheer ayaa si weyn u cambaareeyay TV_ga Qaranka Iyo Idaacadda Radio Hargeysa oo ay ku tilmaameen in aaney bulshadda dhex u ahayn isla markaana  ay caadaysteen Aflagaadooyinka iyo Dacaayadaha Riqiiska ah ee Axsaabta mucaaridka ka dhanka ah iyo Haldoorka Madasha.